4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2013
Taliyaha Guutada Koowaad ee Ciidamada xoogga ee Baydhabo ku sugan oo loo taxaabay xabiga dhexe ee Baydhabo

Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Col. Xasan Isaaq Jeesoow oo ah taliyaha ciidamada xoogga dalka guutada koowaad ee qaybta 60-aad ayaa lagu soo weeraray gurigiisa uu deganaa Baydhabo loo taxaabay xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo.

Weerarka lagu qabtay taliyaha hoggaaminayay, Jen. Ibraahim Yarow oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo cutub ka tirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Xariga Col. Xasan ayaa sababay kaddib markii uu diiday inuu ka baxo guri ay dowladdu leedahay oo ku yaalla Baydhabo, taasoo loo fasirtay amar diiddo uu sameeyay, dabadeedna keentay in lagu weeraro gurigiisa.

Ciidamadii uu hoggaaminayay Col. Xasan ayaa waxay isku dayeen xariggiisa kaddib inay xoog kusoo furtaan taliyahooda, balse waxaa taas hor-joogsaday waxgarad iyo odayaal ay isku hayb yihiin taliyaha la xiray.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa ku qanciyay ciidamada uu taliyaha u ahaa in maalinta berry ah laga soo dayn doono xabsiga, ayna hadda ka shaqeyn doonaan sidii Col. Xasan uusan xabsiga ugu sii jiri lahayn. Kolaneelka iyagoo Balan qaadey in lasoo daayo Maalinta Berito ah.

Ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika ayaa waxay ciidammo fara badan dhigeen guriga uu deggenaa sarkaalka la xiray iyadoo ay ku jiraan ilaaladiisa iyo laba xaas oo uu qabay iyo caruurtiisa.

Hiiraan Online, Baydhabo