4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2013
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Xildhibaanada Baarlamanka u akhriyay sharciga Duulista iyo Saaadaasha Hawada (SAWIRRO)


Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanka ee maanta ayaa ka hor-akhriyay xildhibaannada baarlamaanka hndise-sharciyeedka duulista rayidka iyo saadaasha hawada, isagoo sheegay in hawada Soomaaliya si toos ah looga maamuli doono Muqdisho wixii ka dambeeya 31-ka bisha December ee sannadkan.

Kulanka oo ay soo xaadireen 169 xildhibaan ayaa intii aan la furin waxaa la dhaariyay xildhibaannad Ubax Tahliil Warsame oo ka mid noqonaysa golaha baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana beshay Maxamed Faarax Jimcaale oo bishii hore ku geeriyooday Muqdisho.

Intaas kaddib wasiirka wafaafinta ayaa gudo-galay akhrinta hidishan isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in hawada Soomaaliya loo soo wareejiyo maamulkeeda Muqdisho, halkii horay looga maamuli jiray dalka Kenya.

“Wixii ka dambeeya bartamaha sannadkan qalabka cusub ee laga maamulo hawada Soomaaliya lama geyn doono garoonka diyaaradaha Kenya, balse waxaa la keeni doonaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, halkaas ayaana looga shaqeyn doonaa,” ayuu yiri Ciilmooge.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in wararka sheegaya in hawada Somalia laga maamuli doono meel ka baxsan Muqdisho aysan waxba ka jirin, ayna Muqdihso noqonayso xarunta laga maamulayo lagana rari karin.

Baratmihii bishan ayay ahayd markii shir ay guddiyo kala matalayay Somalia iyo Somaliland ku yeesheen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ay isku afgarteen iyo guddi wadajir ah loo saaro ka baan-degidda maamulka hawada Soomaaliya, guddigaas oo xaruntoodu noqon doonto magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Dhageysiga warbixinta wasiirka kaddib ayaa waxaa su’aalo laga weydiiyay sharciga, iyadoo wasiirkuna uu ka jawaabay su’aalihii la weydiiyay oo u badnaa habka loo maamulayo hawada Soomaaliya, iyagoo ugu dambeyn guddiga arrintan qaabilsan laga dalbaday inay kasoo baaraan-dagaan ayna dib ugu soo celiyaan baarlamaanka, waxaana wasiirka laga sugayaa inuu mar labaad baarlamaanka ka jeediyo warbixin sharcigan ku saabsan.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya