4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2013
Maamulka Puntland oo xukun qisaas ah ku fuliyay laba dhallinyaro ah oo loo haystay dilkii Sheekh C/qaadir Gacmey

Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa maanta toogasho ku dilay laba ruux oo dhallinyaro ah, kuwaasoo loo haystay dilkii Sheekh C/aadir Nuur Faarax (Gacmey) loogu geystay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal horraantii sannadkan.

Dilkan ayaa ka dhacay duleedka xarunta Puntland iyadoo loo diiday inay ka qaybgasho saxaafadda, waxaana xukunka labadan wiil ee dhallinyarada ah lagu fuliyay ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland.

Labadan wiil ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, C/raxmaan Xuseen Jaamac Bile oo lagu eedeeyay inuu ahaa ruuxii geystay dilka Sheekh C/qaadir Gacmeey iyo ruuxa kale oo lagu eedeeyay inuu ahaa ruxii soo qaban-qaabiyay dilka Sheekha oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cismaan Axmed (Caynte) oo laga soo qabtay degmada Laascaanood.

Halka ay ka dhacday toogashada labadan qof ayaa waxaa ku sgunaa xubno ka tisran maamulka Puntland, iyadoo labadan ruux ay ka mid ahaayeen lix qof oo maxkamadda darajada koowaad ay dhawaan xukuntay, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilal dhowr ah oo ka dhacay Puntland.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maamulka Puntland uu xukunno dil ah ku fuliyo dad loo haystay inay dilal geysteen oo ay xukuntay maxkamadaha kala duwan ee maamulkaas.

Dhammaadkii bishii Abriil ee sannadkan ayaa lagu dilay duleeddka Boosaaso 13-qof oo ay ku jirtay haweeney oo lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen dilkii Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo dhammaadkii sannadkii 2011 lagu dilay magaalada Boosaaso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya