4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2013
Jaamacadda SIMAD oo gacan ka helaysa Jaamacadda Makarere ee Uganda oo Muqdisho kusoo gabagabeysay Tababar (SAWIRRO)


Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Jaamacadda SIMAD ayaa maanta soo gaba-gabaysay tababar soconayay muddo siddeed maalmood ah, kaasoo barayaal ka ahaayeen khubaro ka socotay jaamacadda Makarere ee dalka Uganda, gaar ahaan qaybta ganacsiga (MUBS), iyadoo tani ay billow u tahay heshiis ay labada jaamacadood kala saxiixdeen bishii Maarso ee sannadkan 2013.

“Ujeeddooyinkii ugu waaweynaa ee laga lahaa tababarkaan waxaa ka mid ahaa dib u eegidda manhajka jaamcadda, tayaynta imtaxaannada iyo sidoo kale habka wanaagnsa ee macallinnimada (Effective Teaching),” ayaa lagu yiri warbixin ay jaamacadda SIMAD soo saartay markii tababarka lasoo af-jaray.

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu sheegay inay tahay mid xusid mudan in labada jaamacadood ay si siman u wadaageen, waayo-aragtinimadooda xagga waxbarista iyo manjhajkaba si kor loogu qaado tayada waxbarasho ee labada jaamacadood.

Munaasabadda xiritaanka tababarkan ayaa lagu qabtay xarunta daraasaadka sare ee Jaamacadda SIMAD (SU Center for Postgraduate Studies), waxaana kasoo ka qayb-galay madaxda jaamacadda, macallimiinta iyo khubaradii ka socotay Makarere University Business School (MUBS).

Ku-simaha guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, /raxmaan Maxamed Anas oo ka hadlay goobta sheegay in iskaashiga iyo heshiiska ka dhaxeeya labada jaamacadood uu yahay mid xaqiijin kara himilooyinka u yaalla jaamacadda. Sidoo kale Anas wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay sare u qaadida tayadda waxbarashada, iyadoo jaamacaddu mar walba u heelan tahay is-barbar dhigga jaamacadaha caalamka (External bench marking).

Dr. Mohamed Ngoma oo horkacayay khubaradii ka socotay MUBS ayaa ku ammaanay jaamaadda SIMAD dhabar-adayga iyo inay hesato kheyraad ku filan oo ay ku gaari karaan yoolka ay higsanayso jaamacaddu, kuwaasoo aysan heysan jaamacado badan oo ku yaalla dalka Uganda.

Dr. Ngoma wuxuu tilmaamay in wada-shaqeyntan billowga ah ay sababi doonto in la gaaro heerar sare oo ay ka faa’iidaan ardayda, shaqaalaha iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in arrinkan aysan ahay tii ugu horeeyay ay jaamacaddu kor ugu qaadayso manhajkeeda waxbarasho iyo kobcinta aqoonta ardayda iyo shaqaalaheeda, iyadoo horay ula sameysay daraasado noocan oo kale ah United States International University (USIU).







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya