4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2013
Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in Guddi Dhex-dhexaadin ah loo saaro Warbixinnada Guddiga Qaramada Midoobay


Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa wallaac ka muujisey warbixintii ay dhawaan soo saareen guddiga dabagalka xayiraadka hubka Soomaaliya iyo Eretria, taasoo ay sheegtay in khaladaad fara badan iyo arrimo aan sax ahayn ay ku jireen, waxayna dowladdu ku baaqday in wadatashi lala sameeyo dowladda iyo in la abuuro guddi dhex-dhexaadin ah oo la horgeeyo arrimaha qaldan inta aan warbixinta la shaacin.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Yariisow oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa yiri: “Warbixinta waxaa ku jira arimo fara badan oo tixgelin u baahan. Waxaan ku faraxsannahay in guddiga ay sheegeen in dowalddu ay si wanaagsan ula shaqeysay, taasoo caddeyn u ah sida ay nooga go’an tahay furfurnaanta. Hase yeeshee waxaan aad iyo aad uga xunnahay in guddigu uu ku guul-darreystey inuu dowladda kala hadlo warbixintooda iyo go’aannadooda si aan u gudbino jawaabaheenna ka hor inta aan la baahin warbixinta.”

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray: “Warbixinta waxaa lagu saleeyay xan, sheekooyinka fadhi-ku-dirirka iyo ku-tiri-ku-teen, kuwaasoo dhaliyay inay soo baxdo warbixin aan dhex-dhexaad ahayn oo eedeyn aan sal iyo baar toona laheyn ku fadhisa loo baahiyey caalamka oo dhan.”

Inj. Yariisow wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay codsaneyso in laga sameeyo wadatashi warbixinta ay Qaramada Midoobay soo saartay iyo inay sameeyaan guddi dhexdhexaad ah oo warbixinnada mustaqbalka tixgeliya jawaabaha.

“Tani waxay muhiim u tahay nabadda iyo xasilinta dalka iyo sumcadda QM si warbixinnada mustaqbalka ay u noqdaan kuwa ku dhisan xaqiiqda oo la hubiyay isla markaana dhex-dhexaad ah,” ayaa lagu yiri wabixinta.

Isagoo sii hadlaya afhayeenka madaxtooyadu wuxuu yiri: “Waxaan ku aad ugu faraxsan-nahay in warbixintu ay xoogga saartay kooxaha Al-Shabaab oo khatar ku ah dalka iyo qaswadayaasha kale. Kuwaasoo khatar nagu wada ah una baahan inaan ciribtirno. Waxaana kaloo ku faraxsannahay in burcad-badeedu ay yaraatay, balse ka wallaacsanahay dambiilayaasha oo kordhay. Waxaana noo taalla shaqo badan oo aan ummadda u abuureyno shaqooyin iyo nolol si looga fogaado falalka dambiyada ah.”

Dhanka kale, afhayeenku wuxuu sheegay in haddii guddigu ay Muqdisho imaan lahaayeen ay si dhab ah u fiirin lahaayeen sida lacagaha loo xareeyo iyo nidaamka lagu bixiyo waxay arki lahaayeen sida sharciga ah ee uu Bankiga u shaqeeyo.

“Waxaan billownay nidaamka iyo shuruucdii haggaajinta dhaqaalaha oo aan la shaqeynaa hay’adaha bankiga adduunka iyo hay’adda lacagta Adduunka (IMF). Waxaan ku dadaalnaa inaan horumar weyn ka sameyno maamulka iyo maareynta maaliyadda oo bilihii lasoo dhaafay aan ku guuleysannay,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka hadlay musuqmaasuqa iyo sidii loola dagaalami lahaa, isla markaana loo cirib-tiri lahaa, balse aanay wax walba ku dhammaan karin muddo kooban.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya