4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2013
Booliiska Somalia iyo Maamulka Degmada Wadajir oo Faahfaahin ku bixiyay Qarax saakay ka dhacay Degmada Wadajir

Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Madaale iyo guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddoow (Daacid) ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax  saakay aroortii hore ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Col. Maxamed Yuusuf Madaale ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen afar qof, saddex kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen, guriga laga helay hub kala duwan, direeska ciidamada dowladda iyo bambooyin.

“Qaruxu wuxuu dhacay saakay aroortii hore 5:30, waxaana ku dhintay afar qof oo saddex ka mid ah ay yihiin rag iyo qof dumar ah, waxaana dhaawac ay kasoo gaareen saddex qof oo laba rag ay yihiin iyo haweeney,” ayuu yiri Col. Madaale.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa raaciyay in dadkaas ay ahaayeen kuwo waday abaabulka qorshayaal ay qaraxyo uga geysanayaan Muqdisho, ayna guriga ka heleen qoryaha AK-47 loo yaqaan, bambooyin iyo direyska ciidamada.

“Guriga uu qaraxu ka dhacay waxaa laga helay afar qoryaha daran-doorriga u dhaca, 18-xabo oo bambooyin ah, afar direyska ciidamada booliiska ah ee sida milateriga u tababaran iyo koofiyad ay garaaddo ciidan ku xiran yihiin,” ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamada booliiska ay howlgallo cusub u billowdeen kuwaasoo ay ku xaqiijinayaan ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo shacabka weydiistay inay ka qaybqaataan sidii loo sugi ammaankooda.

Dhanka kale, gudodomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guriga uu qaraxu ka dhacay ay gabi ahaantiis burburinayaan, isagoo ugu baaqay dowladda inay la wareegto gurigaas.

“Maamulka degmada Wadajir wuxuu go’aansaday in guriga uu qaraxu ka dhacay saakay la burburiyo laguna wareejiyo dowladda Soomaaliya, waayo taasi waxay keenaysaa in kuwii guriga iska lahaa ee ku caawiyay kooxaha qaraxa sameynayay ay ku khasaaraan oo ay dadka kalena waano ku qaataan,” ayuu yiri Axmed Daaci.

Qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmay iyadoo dhawaanahan ay Muqdisho ka jireen falal ammaan-darro oo ay geysanayeen xoogag taageersan kooxda Al-shabaab, waxaana ka mid ahaa falalkaas weerarro lagu qaaday xarunta UNPD ay ku leedahay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya