4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2013
Mas’uuliyiin ka Socday Gobolka Banaadir iyo Booliiska Soomaaliya oo xalay kormeeray Degmooyin ka Tirsan Muqdisho

Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliska booliiska Soomaaliy ayaa xalay kormeer ku sameeyay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo kormeerkan uu ahaa mid lagu ogaanayo sida ay ciidamada ammaanku u shaqeeyaan.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammanka ee gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo hoggaaminayay xubnaha kormeerka sameeyay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kormeerkooda habeenimo ay ku eegayaan sida ammaanka caasimadda uu yahay.

“Kormeerkeennan waxaa ku eegaynaa sida ay tahay xaaladda ammaan ee gobolka Banaadir, degmooyinkii aan booqannayna waxay ahaayeen kuwo ay ka socotay howlo lagu sugayo ammaanka, waana ka mahadcelinaynaa,” ayuu yiri Warsame Joodax.

Degmooyinka kormeerka lagu sameeyay ayaa kala ahaa, C/caasiis, Xamar-weyne, Shingaani iyo Xamar-jajab, waxaana intii ay mas’uuiyiintan ku jireen kormeerkooda ay la kulmeen mas’uuliyiinta degmooyinka iyo qaar ka mid ah kuwa xaafadaha degmooyinkaas, iyagoo ka dhageystay warbixinno amniga ku saabsan.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta kormeerka sameynayay xalay ayaa sheegay in howshan ay tahay mid lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho, degmadii guul ka gaarta sugidda amniga ay heli doono abaalmarin lacageed.

“Howshan kormeerka ah waa mid socon doonta, waxaana si aan la ogeyn ku tegi doonnaa degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood habeen walba, si aan u kormeerno sida ay howluhu u socdaan, runtiina kormeerkeennii xalay guul ayuu ku dhammaaday,” ayuu yiri Hilowle oo la hadlay warbaahinta.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka la booqday iyo taliyayaasha saldhigyada oo iyaguna hadlay ayaa sheegay inay habeenkii oo dhan soo jeedaan si ay u xoojiyaan ammaanka degmooyinkooda si aysan u dhicin falal ammaanka ka soo horjeeda.

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli baqdin weyn laga qabo in Al-shabaab ay weerarro ka geysato magaalada Muqdisho, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo kooxdan looga bartay inay weerarro xooggan ka fuliso Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya