4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2013
Suxufiyiin Kulan Muqdisho ku yeeshay oo ka hadlay sharciga saxaafadda ee Golaha Wasiirradu ay dhawaan Ansixiyeen (SAWIRRO)


Axad, July 21, 2013 (HOL) — Tiro suxufiyiinta ah oo ka howlgalaha qaybaha kala duwan ee warbaahinta Muqdisho ayaa maanta kulan yeeshay, iyagoo ka hadlay sharciga qavbyada ah ee warbaahinta Soomaalida oo dhawaan ay meel-mariyeen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Suxufiyiinta ayaa hoosta ka xariiqay in sharcigan qabyada ah aysan dan ugu jirin saxaafadda Soomaaliya; maadaama uu ka horimaanayo xoriyadda hadalka iyo midd saxaafadda madaxabannaan .

“Waxaan xaqiijinaynaa in sharcigan sameyntiisa lagala tashaday qaar ka mid ah warbaahinta dalka, balse inta badan saxafiyiinta Muqdisho iyo kuwa kale ee dalka ka howlgala aan waxba laga weydiin, waxaana la yaab leh in sharci la doonayo inuu saxaafadda hago aan lagala tashan saxaafadda oo dhan,” ayaa lagu yiri war-mutiyeed ay wariyeyashan kasoo saareen kulankooda.

Sidoo kale, suxufiyiinta kulanka yeeshay ayaa waxay ugu baaqeen dowaldda Soomaaliya inaysan marnaba u gudbin baarlamaanka Soomaaliya sharcigan oo ah mid ka horimaanaya xoriyadda saxaafadda, lagana talo-gelin wax ka bedelkiisa warbaahinta Soomaalida oo dhan.

Kulankan ayay suxufiyiintu ku magacaabeen guddi ka kooban lix qofood oo isugu jira afar wiil iyo laba gabdhood, kuwaasoo ay sheegeen inay talooyin ku aaddan shaciga saxaafadda ay kasoo ururin doonaan wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho iyo kuwa kale ee dalka.

“Saxaafaddu sharci way rabtaa. Laakiin cidna kama yeeleyno sharci aanan lagala suxufiyiinta in lagu xukumo. Xaq baan u leennahay in nalaga sharci walba oo saxaafadda lagu maamulayo wariyeyaasha lagala tashado, waayo iyaga ayaa lagu xukumayaa,” ayuu yiri Maxamed Bashiir Xaashi oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda Shabelle oo goobta ka hadlay.

Dhanka kale, ka qaybgalayaasha kulanka ayaa waxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ra’iisul wasaare, Saacid iyo wasiirka warfaafinta dowladda ay ka dalbadeen inay maqlaan qaylada ka baxaysa suxufiyiinta Soomaalida ee ka howlgala wabaahinta madaxa-bannaan.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo ay wariyeyaasha Muqdisho yeeshaan kaasoo ay ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan sharciga cusub ee ay soo gudbisay xukuuumadda Soomaaliya, kaasoo la doonayo in loo gudbiyo baarlamaanka Soomaaliya si ay uga doodaan.

Hay’adaha warbaahinta caalamka, sida IFJ, RSF, ururrada shaqaalaha oo uu ka mid yahay midka Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa muujiay sida aysan ula dhacsanayn sharciga qabyada ah ee ay ansixiyeen golaha wasiirada kaas oo ay sheegeen in qodobbo ka mid ah ay ka horimaanayaan xorriyadda hadalka.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya