4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2013
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Maanta ka qaybgalay Aaskii guddoomiye ku-xigeenkii Maxkamada Baladweyne (SAWIRRO)


Axad, July 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo, mas'uuliyiinta ka tirsan maamulka, saraakiisha ciidamada Jabuuti, xubno ka tirsan maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada dhexe iyo dadweyne isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Baladweyne ayaa ka qeyb-gallay aaska Alle ha u naxariisteen guddoomiye ku-xigeenkii maxkamadda degmada Baladweyne marxuum Macalin Xassan Cilmi Ciyoow oo kooxo hubeysan xalay ku dilleen magaalada.

Guddoomiyaha maamulka gobolka HIiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ka hadllay aaska marxuum-ka ayaa sheegay in ay isugu danbeysay labo cisho ka hor, isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa mas'uul howl kar ah oo wax badan ka qabtay arrimaha garsoorka.

“Waxaa uu ahaa shaqsi howl kar ah oo u taagnaa runtii sidii dadka loogu cadaalad fali lahaa, looguna kala saari lahaa Kibtaabka Alle,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo.

Mar uu ka hadllayay guddoomiyaha arrimaha nabad-galyada waxaa uu sheegay in aan marnaba amni la sugi karin haddii aysan wada shaqeyn maamulka iyo bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan, gaar ahaan waxaa uu dhaliil u jeediyay qaar ka mid ah bulshada oo sida uu sheegay gacan siiya kooxaha falalka aaman darro geysanaya.

“Qofka falkaas foosha xun geysanaya meel kale kama iman guri ayuu ka soo toosay, dabcan gurigaa dad ayaa ku nool, iyaga ayaa gacan ku siinaya in qofkaas uu geysto danbiga intaa la ego, marka gacanta lagu dhigo waxaad arkeysaa dad daba socda oo leh oo raba in ay ka dhigaan danbiilaha qof aan danbi-laheyn,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka.

Waxaa uu sheegay in maamulkiisu ka go'an yahay wax ka qabashada ammniga, islamarkaana wixii xilligan ka danbeeya ciidamada heegan buuxa ugu jiraan sidii ay u sugi lahaayeen nabad-galyada habeen iyo maalin.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM oo cambaareeyay dilka ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada in ay gacan ku siiyaan ciidamada sidii wax looga qaban amniga.

Habeenimadii xalay ayeey aheyd markii kooxo hubeysan toogasho ku dilleen bartamaha magaalada Baladweyne guddoomiye ku-xigeenkii maxkamadda degmada Macalin Xassan Cilmi Ciyoow.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Onaline
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya