4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2013
Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo ka hadlay khilaaf soo dhexgalay Xubnaha Dowladda Hoose iyo Golaha Fulinta Degmada

Axad, July 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Awdal, Cabdoo Aayar ayaa ka hadlay markii ugu horreysay khilaaf soo dhexgalay xildhibaannada dowladda hoos ee Boorame iyo golaha fulinta maamulka degmadaas, kaasoo keenay in warbaahinta hadallo kulul la isku dhaafsado.

Xildhibaannada golaha deegaanka Boorama iyo hay’ada fulinta ee maamulka degmada ayaa isku maandhaafay dhawaan sharci ahaanshaha goob dhisme ah oo laga dhisayay taallada Axmed Guray oo galay waddo ka mid ah kuwa ku yaalla degmadaas.

Qaar ka mid ah mudanayasha deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa ku sheegay khilaafka inuu ka dhashay markii golihii fulinta ee maamulkoodu uu si aan sharci ahayn ku bixiyay waddo dadka ka dhexeysa si looga halkaas looga dhiso taallada Axmed Gurey. Iyagoo sheegay in arrintaas xildhibaanno ahaan aan lagala tashan oo ay ahayd mid ku siman maamulka.

“Waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaannada lasoo doortay inay yihiin kuwo had iyo goor u taagan u adeegidda shacabkooda, lama oran karo dhamaan waa kuwo dhaliil-laawayaal ah; waxaanse qabaa in haddii dhallilo ay jiraan ay tahay in la isugu yimaado miiska wadhadalka, intii warbaahinta laga hadli lahaa,” ayuu yiri Cabdoo Aayar oo ka hadlayay kalan lagu qabtay xarunta ay leedahay dowladda hoose oo qandaraasyo lagu bixinayay.

Guddoomiyuhu oo sii hadlayay ayaa yir: “Nidaamka wadashaqeyneed waa in markii ay tabasho jirto la isugu yimaado miiska wadahadalka oo halkaa lagu soo bandhigo halkaasna la isku toosiyo, waayo waa ceeb in warbaahinta laga sheego dhaliilaha jira.”

“Guddiga fulinta waxay kasoo dhex baxeen golaha deegaanka oo dooarsho ayay kuwada yimaadeen; marka haddii aad ku guuleysatay inaad kursigii ku fariisato waa inaad had iyo jeer u dhago nuglaataa oo aad maqasho xubnaha deegaanka waxay ka cabanayaan. Sidoo kale xildhibaannada waxaa saaran mas’uuliyad taas la mid ah. Dhammaanteenna bulshada ayaan u adeegnaa ee waa inaan wadatashi yeelanno,” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Awdal wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool gobolka inay maamulka kala shaqeeyaan horumarinta deegaanka iyo in wadajir loo shaqeeyo.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Awdal, Cabdoo Aayar ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee uu u diro dhinacyada uu soo dhexgalay khilaafka, kaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay laga dheehan karay golayaasha deegaanka dhexdooda.

Khadro Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland