4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2013
Koox Hubeysan oo xalay toogasho ku dilay Mas'uul ka Tirsanaa Maxkamada Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan


Axad, July 21, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee maxkamada degmada Baladweyne Macalin Xassan Cilmi Ciyow oo xili la sheegay in uu ku sii jeeday gurigiisa aan wax badan ka fogeyn halka ay toogashadu ka dhacday.

Dad ka ag-dhawaan goobta ay uu dilku ka dhacay ayaa HOL u sheegay in rag hubeysan rasaas uga soo fureen marxuumka meel aan wax badan ka fogeyn halkii uu marayay, taasoo keentay in ay ka haleesho madaxa iyo caloosha, waxaana markii danbe goobta ka baxsaday kooxihii toogashada geystay.

Taliyaha qeybta booliiska magaalada Baladweyne Col Isaaq Cali C/dulle oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira kooxihii dalka geystay, isaga oo ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen dilkiisa kooxda Al-shabaab.

Ciidamada nabad-galyada maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka wada magaalada Baaritaano iyo howlgal amniga lagu xaqiijinayo, waxaana lagu soo qab qabtay howlgalka tiro dad ah oo la sheegay in qaarkood la tuhusan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya