3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2013
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo shaaciyay in dalkiisu uu gacan ka geysanayo Tababaridda iyo Dhismaha Ciidamada Somalia

Axad, July 21, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Dessalegn ayaa sheegay in dowladdiisu ay gacan ka geysnayso sidii dib loogu soo celin lahaa ammaanka iyo deggenaashaha Soomaaliya, kaddib kulan uu Addis Ababa kula yeeshay wasirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Kulanka Dessalegn iyo Fiqi ayaa dhacay maalintii Jimcaha ahayd ee lasoo dhaafay, waxaana labada mas’uul ay ka doodeen sidii Itoobiya ay gacan uga geysan lahayd howlaha dib loogu soo celinayo nabadda Soomaaliya.

“Itoobiya waxay sii wadaysaa taageerada ay siinayso dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo ay ugu horreyso sidii dalka loogu soo celin lahaa nabad iyo deggenaasho buuxda,” ayuu yiri Dessalegn oo intaas ku darya inuu soo dhaweynayo horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya muddadii ay jirtay.

Dessalegn wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay ka caawiso Soomaaliya dhinaca tababarka ciidamada iyo xoojintooda si ay awood ugu yeeshaan inay iska difaacaan Al-shabaab oo weli deegaanno ka tirsan Soomaaliya ka talisa.

Saraakiil sarsare oo Itoobiya u hadlay ayaa dhawaan sheegay in ciidamada Itoobiya laga saarayo gudaha Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen go’aan ay gaareen madaxda dalkaas, balse lasii wadayo taageerada la siiyo Somalia.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Fiqi oo isaguna warbaahinta la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in waxyaabaha ay kawada hadleen isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Kulanka waxaan isku dhaafsannay aragtiyo iyo dano labada dal ay faa’iido ugu jirto, sidoo kale waxaan ka hadalnay sidii la isaga kaashan lahaa cirib-tiridda Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah ee Soomaaliya ku sugan,” ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay inay kulankooda uga hadleen xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dalka, sida horumarinta beeraha iyo kuwo kale. Isagoo xusay in dalkiisa uu ku faraxsan yahay sida ay Itoobiya uga qaybqaadatay dagaalladii lala galay argagaxisada.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dowladda  itoobiya ay billowday in ay kala baxo ciidamadeeda gobolka Bay oo ay tageen horraantii sannadkii lasoo dhaafay, halkasoo ay kula dagaalameen Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/21/2013 1:55 PM EST
Axad, July 21, 2013 (HOL) — Tiro suxufiyiinta ah oo ka howlgalaha qaybaha kala duwan ee warbaahinta Muqdisho ayaa maanta kulan yeeshay, iyagoo ka hadlay sharciga qavbyada ah ee warbaahinta Soomaalida oo dhawaan ay meel-mariyeen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

7/21/2013 10:57 AM EST
Axad, July 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo, mas'uuliyiinta ka tirsan maamulka, saraakiisha ciidamada Jabuuti, xubno ka tirsan maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada dhexe iyo dadweyne isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Baladweyne ayaa ka qeyb-gallay aaska Alle ha u naxariisteen guddoomiye ku-xigeenkii maxkamadda degmada Baladweyne marxuum Macalin Xassan Cilmi Ciyoow oo kooxo hubeysan xalay ku dilleen magaalada.

7/21/2013 8:28 AM EST
Axad, July 21, 2013 (HOL) — Waxa maanta magaaladda Hargeysa si balaadhan loogu soo dhoweeyey wasiirka cusub ee dhowaanta loo magacaabay wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

7/21/2013 8:15 AM EST
Axad, July 21, 2013 (HOL) — Kaddib toogasho xalay kooxo hubeysan ugu geysteen magaalada Baladweyne guddoomiye ku-xigeenkii maxkamadda degmada, Macalin Xassan Cilmi Ciyow ayaa waxaa dilkiisa maanta ka hadlay guddoomiyaha maamulka degmada Cabdi Bishaar Aadan.

7/21/2013 8:13 AM EST
Axad, July 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Awdal, Cabdoo Aayar ayaa ka hadlay markii ugu horreysay khilaaf soo dhexgalay xildhibaannada dowladda hoos ee Boorame iyo golaha fulinta maamulka degmadaas, kaasoo keenay in warbaahinta hadallo kulul la isku dhaafsado.

7/21/2013 7:30 AM EST
Axad, July 21, 2013(HOL) :- Ciidamada maamulka Kismaayo ayaa maanta bilaabay howlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga, waxayna arintani ka danbeeyay kadib falal ammaan darro oo maalmihii u danbeeyay siyaabo kala duwan uga dhacayay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

7/21/2013 4:50 AM EST
Axad, July 21, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee maxkamada degmada Baladweyne Macalin Xassan Cilmi Ciyow oo xili la sheegay in uu ku sii jeeday gurigiisa aan wax badan ka fogeyn halka ay toogashadu ka dhacday.

7/21/2013 2:43 AM EST
Axad, July 21, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa shalay ciidamo badan oo xiranaa dharka milateriga Soomaaliya kusoo bandhigtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose oo ka mid degmooyinka ay ka taliso, waxaana halkaas hadal ka jeediyay mas'uulka Al-shabaab u qaabilsan gobolkaas, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla.

7/21/2013 1:48 AM EST
Axad, July 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo la hadlayay saraakii iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkii aan awood u lahayd inuu askariga uu xukumo uu ka celiyo isbaarada ay u furan tahay inuu shaqada isaga tago.

7/21/2013 1:47 AM EST
Axad, July 21, 2013 (HOL) — Qaraxyo bambaano ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo dhaawacyo ay kasoo gaareen dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha lagu tuuray qaarkood, sidoo kale waxaa kooxo hubeysan ay askari ka tirsan ciidamada dowladda ku dileen degmada Huriwaa.