4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2013
Al-shabaab oo Baraawe ku soo Bandhigay Dagaalyahanno ay sheegtay inay Fulinayaan Howgallada deg-degga ah (SAWIRRO)


Axad, July 21, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa shalay ciidamo badan oo xiranaa dharka milateriga Soomaaliya kusoo bandhigtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose oo ka mid degmooyinka ay  ka taliso, waxaana halkaas hadal ka jeediyay mas'uulka Al-shabaab u qaabilsan gobolkaas, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla.

Ciidamadan ayaa soo bandhigay dhoolla-tus ciidan oo ay ku muujinayeen tababarradii ay soo qaateen, waxaana ay gudaha magaalada mareen iyagoo saran gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan tiknimada.

“Ciidamadan waa kuwo u tababaran ilaalinta ammaanka deegaanka, sidoo kale waa kuwo u tababaran howgallada deg-degga ah ee looga baahdo inay ka fuliyaan gobolka Shabeellada Hoose,” ayuu yiri Abuu-Cabdalla oo intaas ku daray in ciidamadan loogu magic-daray Fursaanul Xisba.

Sidoo kale, Sheekh Abuu-Cabdalla wuxuu hadalkiisa ku sheegay inay yihiin ciidamadan dufcaddii labaad oo tababar noocan oo kale ah dhameysta inta lagu jiro sannadkan, isagoo sheegay inay ka hortagayaan wax walba oo dhib kawada gobolka iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Dadweyne ka mid ah kuwa deggen degmada Baraawe ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee degmadaas oo dacalka ku haysa badweynta Hindiya, iyadoo qaarkood ay gacmaha kor u taagayeen, halka kuwo kalena ay kor u taagayeen kutubta Qur’aanka Kariinka.

Sarakaal ka tirsan Al-shabaab oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo ilaalin doona ku dhaqanka sharciga Islaamka oo looga dhaqmo goobaha ay ka taliso Al-shabaab, isagoo xusay in cid walba oo ku xad-gudubta ku dhaqanka sharciga Alle ay soo qaban doonaan.

“Diyaar baan u nahay inaan la dagaallanno dowladda Somalia iyo ciidamada gacanta siinaya ee Afrikaanka ah, waxaan u tababaranay waa difaacidda iyo u adeegidda diinta Alle,” ayaa ka mid ahaa erayo ay ku dhawaaqayeen qaar ka mid ah ciidamadii tababarka soo dhameystay.

Ciidamadan lasoo bandhigay ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay kordhinayso weerarrada ka dhanka ah ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya iyo kuwa dowladda, waxayna kaloo imaanayaa iyadoo ay falalka ammaan-darro ee Al-shabaab ay ka geysanayso Muqdisho ay sare u kacayeen maalmihii lasoo dhaafay.

Xarakada Al-shabaab ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa laga saaray deegaanno badan oo ay ka talinaysay, kuwaawsoo ay ku jirto Muqdisho iyo degmooyinka ku dhow-dhow, waxaana sidoo kale laga saaray, Kismaayo, Baydhabo, Baladweyne, Marko, Jowhar iyo deegaanno kale oo fara badan.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya