4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2013
Qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho iyo Kooxo ku dilay Askari Xaafadda Suuqa Xoolaha

Axad, July 21, 2013 (HOL) — Qaraxyo bambaano ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo dhaawacyo ay kasoo gaareen dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha lagu tuuray qaarkood, sidoo kale waxaa kooxo hubeysan ay askari ka tirsan ciidamada dowladda ku dileen degmada Huriwaa.

Isgoysyada Bakaaraha iyo Black Sea ee Muqdisho ayaa waxaa lagu weeraray xalay bambaanooyin kuwa gacanta ah, waxaana ku dhaawacmay in ku dhow 10-qof oo isugu jiray rag iyo haween, kuwaasoo qaar ka mid ah ay gaareen dhaawacyo culus.

“Xalay fiidkii waxaa bambaano kuwa gacanta ah lagu tuuray goob ay shacab ku sugnaayeen, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen haween, ay ku jireen hooyo iyo gabar ay dhashay,” ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaal ku sugnaa isgoyska Black Sea markii ay qaraxyadu dhacayeen.

Sidoo kale, waxaa qaraxii lagu weeraray isgoyska Bakaaraha ay dhaawacyo kasoo gaareen dad shacab ah oo sugayay inay gaadiid raacaan, iyadoo ay ku dhaawacmeen halkaas shan qof oo qaarkood ay dhaawacyadoodu ahaayeen kuwo fudud.

Laba bam-gacmeed oo is-xigay ayaa iyagana xalay lagu tuuray ciidammo ka tisran kuwa degmada Xamarweyne oo waday howlo ay amniga ku sugayeen inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray, waxaana weeraradan ay muujinayaan in ammaanka Muqdisho uu kasoo darayo.

Kooxihii weerarradan bambaanooyinka ah geystay ayay u suurogashay inay ka baxsadaan goobahaas, inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarradan, haddana saraakiil u hadlay dowladda ayaa ku eedeeyay inay ka dambeyso Al-shabaab.

Dhanka kale, askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kooxo hubeysani waxay xalay ku dileen isgoyska SOS ee degmada Huriwaa, iyadoo la sheegay in ruuxii geystay dilkaas la qabtay lana horgeyn doono sharciga.

Magaalada Muqdisho ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya