4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2013
Kumannaan Soomaali ah oo isugu soo baxay xaafada Islii si ay u xusaan sannadguuradii 53-aad ee xorriyada Soomaaliya
942092_10201026834248631_1287992928_n.jpg
Talaado, July 02, 2013 (HOL) - Soomaali lagu qiyaasay kumanaan kun ayaa habaynkii xalay ahaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla xaafada Islii ee Soomaalida ay ka daggantahay magaalada Nairobi.
935826_10152963094920442_1199770195_n.jpg


Dadka isu soo baxay oo u badnaa dhalinyaro ayaa waxay jirkooda iyo wajiyada ku soo xardheen midabada calanka jamhuuriyada Soomaaliya iyagoo sidoo kalana xirnaa dhar calanka u eg, xilli dunida dacalladeeda ay Soomaalidu wadeen xaflado lagu xusayo  sannadguuradii 53-aad ee kasoo wareegatay markii ay midoobeen gobollada waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya iyo markii si toos ay isugu biireen labadii gobol ee ka kala xoroobay Talyaaniga iyo Ingiriiska 1-da Luuliyo 1960-kii.

Waxaana dhalinyarada ku maaweelinayay heesaha wadaniga fanaaniin ay hormuud ka yihiin kooxda waayaha cusub oo isu soo baxa soo qabanqaabisay.

Shiine Akhyaar, gudoomiyaha kooxda waayaha cusub ee soo qabanqaabisay isu soo baxan ayaa ku tilmaamay dadkii halkaas isugu yimid inay ka badnaayeen kuwii sannadkii hore isugu yimid oo lagu tilmaamay inuu ahaa isu soo bixii ugu waynaa ee Soomaalidu ay ka sameeyaan caalamka.

Guud ahaanba xaafada Islii ayaa laga dareemay damaashaadka oo ila xalay saqdii dhexe socday, iyadoo si nabadgalyo ahna uu ku soo gabagaboobay.

1039650_224516804362159_692956680_o.jpg
1016103_10201026834648641_487516449_n.jpg
1012799_10152963099470442_708275156_n.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya