4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo Warqadihii Aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay danjiraha Britain u joogaya Somalia (SAWIRRO)


Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga danjirenimo kala guddoomay danjiraha cusub ee Britain ay u soo magacowday Soomaaliya, Neil Wigan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa goob-joog ka ahayd kulanka dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo dajiraha UK.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dowladda Ingiriiska sida ay doorka hoggaamineed uga qaadatay Soomaaliya oo ayna mar walba u garab-taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dajiraha cusub ee Britain ayaa isagana madaxweynaha uga mahadceliyay ka guddoonka waraaqihiisa aqoonsiga, isla markaana soo gaarsiiyay farriin uu uga siday ra’iisul wasaaraha UK, David Cameron taasoo uu ku sheegay inay dowladda Ingiriiska ka go’antahay sidii loo saacidi lahaa dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii u rajeeyay safiirka cusub, Neil Wigan inuu howshiisa u guto si wanaagsan, dowladda iyo shacabka Soomaaliyana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

Kulanka kaddib ayaa wasiiadda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo danjiraha cuusb ee Britain waxay qabteen shir jaraa’id, kaasoo ay ku sheegeen in wixii maanta ka dambeeya uu danjiraha Britain ee Soomaaliya ku shaqeyn doono Muqdisho.

Safiirka oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka shaqeeyo Soomaaliya, isagoo hadalkiisa ku billaabay erayo af Soomaali ah ayuu haddana xusay inuu ku shaqeyn doono Muqdisho uuna rajeynayo in howshiisa ay noqoto mid waxtar u yeelata Soomaalida.

Dowladda Britain ayaa waxay ahayd dowladdii ugu horreysay oo Yurub ah oo safaarad ka furata Muqdisho, iyadoo safaaraddeedu ay ku taallo xarunta ay AMISOM ka daggan tahay Muqdisho ee Xalane.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya