4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2013
Duqa Laascaanood oo Hay’adaha Samafalka ugu Baaqay inay Gargaar lasoo gaaraan dadka Barkacayaasha ah (SAWIRRO)


Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Duqa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, Cabdiqaadir Jaamac Saalax ayaa shir lagu qabtay xafiiska ay leeyihiin barakacayaasha gobolka Sool ayaa ugu baaqay dhamaan hay’adaha samafalka ee ka hawlgala magaalada inay qayb ka qaataan caawinta dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaaladaas iyo qaybaha kale ee gobolka.

Cabdiqaadir Jaamac ayaa madasha ka sheegay inay bishii barakaysnayd ee Ramadaan ay in soo fool leedahay oo aysan awood u lahayn dadkaan in ay daboolaan baahidooda maamul ahaanna aysa wax ka hagran doonin.

Ku xigeenka duqa dagmada Laascaanood, Cabdi Maahir Cashuur oo ka qayb-galay shirkan ayaa isagana carrabka ku dhuftay in duruuf nololeed oo aad u adag ay haysato barakacayaasha ku sugan magaalada,wuxuuna xusay inay jiraan hantiilayaal ku dhaqan Laascaanood  oo wax tari kara bulshadan.

Guddoomiyaha guddiga barakacayaasha, Jibriil Qaasim iyo xoghayaha Xasan Maxamed Cali oo iyaguna hadlay ayaa ku dheeraada ka sheekeynta dhibta haysata, iyagoo hay’adaha qaarkood ku dhaliilay inay ku been abuurtaan .

Jibriil Qaasim ayaa xusay inay samaysteen xafiis u gaar ah oo ciddii jecel in ay ka qayb-qaadato caawinta barakacayaasha ay ugu soo hagaagi karaan, isagoo maamulka iyo hay’adaha ugu baaqay in la caawiyo.

Si kastaba ha ahaatee, barakacayaash ku nool gobolka Sool ayaa aad u sii tiro badanaya, waxayna isugu jiraan dad colaaddii uga soo cararay goobihii ay ku noolaayeen ee Koonfurta Soomaaliya iyo kuwo kasoo barakacay goobo ku dhowdhow degmada Laascaanood oo ay abaaro ka dillaaceen.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool