4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2013
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukunno kala duwan ku riday qaar ka mid ah maxaabiista ku jira Xabsiga Baydhabo

Jimco, July 19, 2013 (HOL) — Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Somalia oo mas’uuliyiinteedu ay maalmahan howlo shaqo u joogeen degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay xukunno kala duwan ku rideen maxaabiista ku jira xabsiga degmadaas.

Guddiga maxkamadda ciidamada oo uu horkacayay guddoomiyahooda Col. Liibaan Cali Yarrow ayaa waxay maanta xukunno ku rideen maxaabiis tiro badan oo ka mid ah kuwa k jira xabsiga degmadaas, waxaana shan ka mid ciidamada xoogga dalka lagu xukumay dil toogasho, kuwaasoo lagu helay in ay geysteen dilal kala duwan. Askartan la xukumay ayaa waxaa ku jiray mid horay u dilay xaaskiisii.

Maxaabiista lasoo daayay waxay tiradooda gaaraysay 100 kuwaasoo lagu eedeeyey in ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab, balse la sheegay in lagu waayay dambiyadii lagu eedeeyay, sidaa darteedna ay maxkamaddu sii daysay.

Sidoo kale, waxaa maxkamadda ciidamada qalabka sida ay shan sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay mid ka mid ah maxaabiista ku jiray xabsiga oo qirtay inuu ka tirsanaa Xarkada Al-shabaab.

Xabsiga Baydhab ooo ay ku jireen in ka badan 240-maxbuus ayaa waxaa ku haray 23 maxbuus oo ay horay u xukumay guddoomiyihii maxkamada sare ee ciidamada xoogga dalka, Col. Muun-gaab, iyadoo qaarkood uu ku xukumay xabsi u dhexeeya lix sano illaa 10-sano.

Howsha maxkamadda ciidamada ay ku xukuntay qaar ka mid ah maxaabiistii ku jiray xabsiga Baydhabo ayna qaarkood kusii daysay ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo maxaabiista ku jira xabsiga ay dhawaanahan cabasho ka muujinayeen inaysan helin xukun cadaalad ah.

Hiiraan Online, Baydhabo