4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2013
Guddiga Dhismaha Masjidka Baladxaawo oo u Mahadceliyay Taksiilayaasha Soomaaliyeed ee dalka Norway (SAWIRRO)


Jimco, July 19, 2013(HOL) :- Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiim ee Magaalada Baladxaawo ayaa waxay ka warbixiyeen howsha dhismaha Masjidkaasi oo ay sheegeen in haatan uu marayo wejigii labaad ee dib u dhiska Masjidka oo howshiisa la bilaabay mudo haatan laga joogo ilaa 6 Bilood,waana Masjid laga doonayo in laga dhigo ilaa labo dabaq.

Masjidka Khadiimiga ah ee ku yaalla bartamaha magaalada Baladxaawo oo dhisnaa mudo ka badan ilaa 60 sano ayaa ujeedada dhismahiisuna waxay tahay sidii dadka Islaamka ah ay ugu cibaadeysan haayeen,waxaana loo qorsheeyey Masjidka in laga dhigo ilaa labo dabaq, maadama goobta masjidka uu ku yaallo ay tahay meel suuq ah oo dadkuna ay ku badan yihiin.

Howsha dhismaha Masjidka Khadiim ayaa hergelintiisa waxaa u istaagay Culima'udiinka, qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baladxaawo, iyagoona isla meel dhigay in Masjidka dib loo dhiso, islamarkaana la saaro laba dabaq si uu u qaado dad lagu qiyaasay ilaa shan kun oo ruux, taasi oo Seddex laab ka badan tiradii horey ugu tukan jirtey Masjidkaasi oo ahayd ilaa 1200.

Sh.Cabdulaahi Qaaje  oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiimiga ee Baladxaawo oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay howsha dhismaha masjidka in ay u socoto sidii loo qorsheeyey,isagoona u mahadceliyey Qaar ka mid ah Taksiilayaasha Soomaalida ee degan Dalka Norway oo dhowaan soo gaarsiiyey Masjidka lacago ay iska aruuriyeen oo dhan ilaa shan kun oo Dolar,waxaana uu tilmaamay lacagtaasi iyo kuwa la midka ahba in ay wax ka tareyso dhismaha Masjidka.

Sidoo kale C/rashiid Qudus oo ah Madaxa horomarinta iyo dhismaha Masjidka khadiim ayaa rajo wanaagsan waxaa uu ka muujiyey sida dadweynaha Baladxaawo, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadaha Soomaalida ee dalka dibadiisa ay ugu qeyb qaadanayaan dhismaha masjidka iyo dhaqaalaha ay iska uruurinayaan.

Dhismaha Masjidka oo loo qorsheeyey in ay ku baxdo lacag dhan ilaa $700,000,oo Dolar ayuu sheegay ilaa iyo hadda in ay heleen lacag dhan 30% oo loo yaboohay, halka inta dhimanna ay sheegeen in ay ka sugayaan qof kasta oo muslim ah in uu ku biiriyo waxii uu sadaqeysan karo.

”Sadaqo markaad bixiso ilaahay wuxuu balanqaadey inuu kuu laban laabayo ilaa 700 oo jeer iyo intii ilaah uu doono ayuu yiri Sh.C/laahi oo ku booriyey dadka Islaamka meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan howlaha Taburacaada ah ee lagu dhisayo Masjidka Khadiimiga ee ku yaala Baladxaawo.

Sadaqo waa waxa ugu qiimaha badan mida xitaa marka aad dhimato ka gadaal uu ajarkeeda kuu soconayo oo ah sadaqada jaariyada ah sidii Nabigeena ( SCW) uu ku sheegay xaddiithka saxiixa ah.

FG: Si waxii aad Sadeqaysan kartid aad u bixisid la xariir Telefonadan Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiimiga ee Baladxaawo iyo Emailkan

1-Sheekh C/laahi Qaaje 0615851497
2-Sheekh Yaasiin Aadan 0615833204
3-C/nuur Xuseen Xasan 0723838854/0615554589
4-C/rashiid Qudus 0714142078/0615557664
5- C/laahi Sheekh Cismaan 0615568885

Ama Emailkan-  [email protected]

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo - Soomaaliya