4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2013
Shirkii UN-ECOSOC ee looga hadlay dhaqaalaha iyo Arimaha Bulshada Afrika oo Ammaan loogu jeediyay Idaacadda STAR FM


Jimco, July 19, 2013 (HOL) — Shirkii Qaramada Midoobay ee dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee loosoo gaabiyo UN-ECOSOC ayaa boogaadisay isla markaana aqoonsatay howsha ay idaacadda STAR FM oo ka mid ah kuwa ka howlgala Soomaaliya iyo Kenya ay u qabato bulshada Soomaaliyeed ee dhageysta.

Golaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ayaa waxay Idaacadda STAR FM u aqoonsatay inay tahay warbaahinta ugu wanaagsan ee tabisa wararka saxda ah ee la xiriira qaxootiga iyo arrimaha bina’aadanimada.

Idaacadda STAR FM ayaa xerooyinka qaxootiga ee ku yaalla dalalka Kenya iyo Itoobiya sida: Dhadhaab, Kaakuma iyo Doolow ka sameyso barnaamijyo joogta ah oo la xiriira arrimaha qaxootiga, taasoo wax weyn ka bedeshay qaabka ay u howlgalaan hay’adaha gargaarka ee dhanka warbaahinta.

Agaasimaha guud ee Idaacadda STAR FM, Maxamed Xasan Cusmaan oo ku sugan magalada Geneva ee dalka Swaziland ayaa sheegay in idaacadda STAR FM ay sii ballaarin doonto tabinta wararka la xiriira qaxootiga iyo arrimaha bani’aadamnimada.

HALKAN KA DHAGEYSO: Agaasimaha STAR FM oo ka warbixiyay qodobbadii looga hadlay shirkii Geneva.

Ma ahan markii ugu horreysay oo idaacadda STAR FM lagu amaano howlaha ay bulshada Soomaaliyeed u qabato waxaana sannad ka hor ay heshay abaal-marinta uu bixiyaan telefishinka CNN-ka iyo hay’adda UNFPA oo ay siiyaan warbaahinta iyo saxafiyiinta caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya