4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2013
Xukuumadda Itoobiya oo ka hadashay sababihii keenay in Ciidamadooda ay ka saaraan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Jimco, July 19, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixisay markii ugu horreysay ka bixitaanka ciidamadeedii ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo ku hanjabtay inay sii wadayso dagaalanka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.


   Afhayeenka u hadlay Itoobiya, Dina Mufti
Dina Mufti oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa u sheegay wariyeyaasha in qorshaha ay kaga baxeen Baydhabo uu ahaa mid horay u degsenaa, balse ay ka go’an tahay inay dagaalka sii wadaan ayna ku wareejiyaan Baydhabo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

“Waxaa jiray qorshe ah in Itoobiya sannadkan ay soo afjarto howlgalkeedii Soomaaliya. taasoo saldhig u ah inaanu jirin awood milatery oo Al-shabaab ay dad kusoo weerari karto,” ayuu yiri Mufti.

Ciidamada Itoobiya ayaa horraantii sannadkan ka baxay degmada Xudur ee gobolka Bokool, waxaana degmadaas la wareegay Al-shabaab oo muddo hal sano ah dibad-joog ka ahayd, waxaana tani ay dhalisay cabsi weyn oo laga qabo in Al-shabaab ay la wareegto goobaha ay ka baxaan ciidamada Itoobiya.

Toddobaadkan ayay ciidamada Itoobiya si dhameystiran uga baxeen xarunta gobolka Bay ee Baydhabo oo ay ku wareejiyeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo qorshahoodu yahay inay ka baxaan guud ahaan gobolka Bay.

Hadalka xukumadda Itoobiya ee ku aaddan ka bixitaankooda Baydhabo ayaa kusoo beegmaya iyadoo wafdi ka socday dowladda Somalia oo uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ay ku sugan yihiin Addis Ababa si ay ugala hadlaan madaxa Itoobiya ka bixitaanka ciidamadooda gudaha Somalia.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya