4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2013
Shir looga hadlayo qaabka ugu habboon ee is waydaarsiga macluumaadka iyo sirdoonka oo ka furmay Mombasa
AMISON 8X12 (2).jpg
Jimco, July 19, 2013 (HOL) - Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya, madaxda hawlgalka midowga afrika ee AMISOM iyo wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ka wada hadlaya sida ugu habboon ee la isu dhaafsan karo macluumaadka lagu helo sirdoonka.

Shir ka furmay Mombasa oo saddex maalmood socon doonaa ayaa lagu falanqayn doonaa in si fudud macluumaadka ay u wadaagaan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo dhammaan hay'adaha ammaanka ee gobolka iyo guud ahaanba qaarada afrika.

Ka qaybgalayaasha shirka ayaa ah ergo ka kala socota wadamada Ethiopia, South Sudan, Mali, Chad, IGAD, midowga afrika , xarunta cilmi-baarista ee barashada argagixisada
(ACRST) iyo xarunta sirdoonka iyo ammaanka ee qaarada afrika (CISSA).

DSC_0276.jpg

Ergayga midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax
Annadif oo hadal u jeediyay kasoo qaybgalayaasha shirkan ayaa sheegay in argagixisadu aysan xuduud celisaa jirin sidaa darteedna loo baahanyahay in la isku xiro dadaalka lagula dagaallamayo.

“Kadib markii ay soo gaareen hantaaqooyin badan Alshabaab haatan waxay u wareegtay qaab cusub oo dagaal, sida ugu habboon ee lagula dagaallami karaana waa in la soo aruuriyaa macluumaadka sirdoonka, waxaanan hubaa in kulankaani uu idinka caawin doono helitaanka qaababka ugu habboon ee loo soo aruurin karo macluumaadka sirdoonka loona wadaagi karo" ayuu yiri Annadif.

Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro go'aamo wax ku ool ah oo wax looga qabanayo xaalada ammaanka ee Soomaaliya oo ay soo wajaheen dhibaatooyin ka imaanaya argagixisada, isla markaana lagu diyaarinayo wanaajinta ilaha sirdoonka, wadaagidda macluumaadka sirdoonka iyo sidoo kale sare u qaadida aqoonta hay'adaha sirdoonka iyo ammaanka Soomaaliya sida ay Hiiraan Online u sheegeen saraakiil ka socota dawlada Soomaaliya oo shirkaas ka qaybgashay.

DSC_0307.jpg
DSC_0269.jpg
DSC_0300.jpg
DSC_0352.jpg
DSC_0296.jpg
DSC_0273.jpg
DSC_0401.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya