4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2013
Maxkamadda ICC oo shaacisay in laba ka mid ah Markhaatiyashii Dacwadda Kenyatta ay diideen inay Markhaati furaan

Jimco, July 19, 2013 (HOL) — Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa sheegtay inay laba ka mid ah markhaatiyaashii ku markhaati furi lahaa madaxweynaha Kenya, Uhuru Keyatta ay ka laabteen markhaatinimadooda, kaddib markii ay u baqeen naftooda.

Warqadda ayaa lagu sheegay in markhaatiyaashan ay sheegeen inay jiraan khataro kusoo fool leh noloshooda, waxaana maxkamaddu ay xusay inay ku guul-darreysatay dowladda Kenya inay sugto ammaanka markhaatiyaasha.

Afhayeen u hadlay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, Faadi Cabdalla ayaa sheegay in maxkamaddu ay markhaatiyaan cusub kusoo dari karto kiiska ayna haysato markhaatiyaal ka badan soddon ruux.

Markhaatiyaasha ka baxay kiiska ayaa la sheegay inay tahay mid dhabar-jab ku keeni karta dacwadda loo haysto madaxweynaha dalka Kenya, Kenyatta taasoo la xiriira rabshado ka dhacay dalka Kenya oo ay dad badan naftooda ku waayeen.

Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay xilka madaxnimo ee Kenya bishii Maarso ee sannadkan iyo ku xigeenkiisa, William Ruto ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan bani’aadamnimada, kuwaasoo dalka Kenya ka dhacay sannadki 2007, markaasoo lagu murmay doorashooyinkii madaxnimo ee xilligaas.

Rabshadahaas ayaa waxaa ku dhintay 1,000 qof, iyadoo ay ku barakaceen in ka badan 600,000 oo qof, iyadoo madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa ay horay u sheegeen inay iska difaaci doonaan eedeymaha loo haysto ee ka dhanka xuquuqda aadanaha.

Dacwadda Kenyatta ayaa lagu wadaa inay furanto 12 bisha November ee sannadkan, halka dacwadda madaxweyne ku xigeenka Kenya ay iyaduna furmayso 10-ka September ee isla sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya