4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in Xukuumadu aysan doonayn inay Caburiso Saxaafadda Xorta ah (SAWIRRO)


Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa caawa ku casuumay bahda warbaahinta kulan afur iyo oo qaatay muddo saddex saacadood ah, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu ka sheegay goobta in xukuumaddu aysan doonayn inay warbaahinta ku qasabto sharci aysan raalli ka ahayn.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka warfaafinta, Cabdullaahi Ciilmooge Xersi, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire, afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli iyo howlwadeenada kale ee warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Afurka kaddib, waxaa kulanka furay afhayeenka xukuumadda oo sheegay in kulanka uu ra’iisul wasaaruhu uga gol-leeyahay sidii si daah-furan oo kaftan, sheeko iyo talo soo jeedinba ay ku jirto loo wadahadlo, isagoo sidoo kale ka codsaday in wixii talo iyo tusaale ah haddii ay ahaan lahayd ammaan ama dhaliil ay si toos ah u soo bandhigaan.

Xubnihii warbaahinta ee goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa, agaasimaha idaacadda Radio Kulmiye, abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo ah halkaas ka soo jeediyay hadalo isugu jiray talo, gabay iyo xog-waranba. Taasoo aad loogu riyaaqay.

Wasiirka warfaafinta, Ciilmooge oo kulanka ka hadlay ayaa si guud u dul-maray aragtida warbaahinta ee sharciga saxaafadda, wuxuuna iftiimiyay in qaar ka mid ah qodobbada sharcigan laga been abuuray isla markaana loo dhigay si aanu u qornayn, wuxuuna ka hor sheegay kulanka inuu diyaar u yahay inuu dhegeysto talada iyo cabashada warbaahinta, isla markaana lagu darayo soo jeedintooda sharcigan.

Gabagabadii, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulankaas ka hadlay ayaa ka sheegay kulanka inay xukuumaddu ballanqaadayso xorriyadda saxaafadda iyo difaaca xorriyatul qowlka, wuxuuna meesha saaray cadaadis la saarayo, isagoo u xaqiijiyay in wixii talo iyo tusaale ah ay diyaar u yihiin in sharcigan lagu kordhiyo, si loo helo sharci damaanad qaadi kara xaquuqda saxaafadda iyo wariyaha shaqeynaya.

“Waxaan idin kula talinayaa in danihiina aad ka hor marisaan, danaha dalka iyo dadka, waxaadna ogaataan in Soomaaliya ay u baahan tahay dhallinyaro dhanka saxan wax ka aragta, taladooda iyo awoodoodana isugu geeya sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo nabad kusoo dabaalidda dalka,” ayuu ra’iisul wasaare Saacid ka sheegay kulanka uu la yeeshay warbaahinta xorta ah.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalmahan si weyn looga hadlayay sharciga saxaafadda ee dhawaan ay soo gudbisay xukuumadd Soomaaliya, kaasoo warbaahintu ku sheegeen kuwo lagu caburinayo xoriyadda saxaafadda madaxa-bannaan ee Soomaaliya.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya