4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Madaxweynihii Hore ee Dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela oo 95 Jirsaday xilli ay Xaaladdiisa Caafimaad aad u Liidato


Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Koofur Afrika, Nelson Mandella ayaa 95-sano jirsaday maanta isagoo ku jira isbitaal looga daweynayo caabuq kaga dhacay sambabada, Mandela oo dhashay 18, July, 1918-kii ayaa la la sheegayaa in xaaladiisa caafimaad ay aad u liidato.

Mandela ayaa muddooyinkii dambe caafimaad ahaan u yaallay isbitaalka ku yaalla magaalad Pretoria ee xarunta dalka Koonfur Afrika; isagoo aan waxba kala garaneyn kuna neefsanaya hawada Oxygen-ka oo laga yaabo haddii laga bixiyo inuu dhinto.

Nelson Rolihlahla Mandela ayaa wuxuu ku dhashay xaafad lagu magacaabo Mveso oo ka tirsan magaalada Umtata ee gobolka Eastern Cape, sannadkii 1918-kii; wuxuna kasoo jeedaa qowmiyadda madowga ah ee loo yaqaano Xhosa oo ka mid ah dadka madow ee dalkan Koofur Afrika ugu tirada badan,

Mandella ayaa isagoo aad u yar ku biiray xisbiga ANC wuxuna door muhiim ah ka ciyaaray siyaasaddii dagaalkii ay dadka madowga ahi kula nidaamkii kala sooca ahaa ee dalkaas ka jiray oo ay caddaanka yari ku haysteen dadka u dhashay dalkaas.

Sidoo kale, Mandela ayaa xabsiga la dhiga sannadkii 1962-kii wuxuuna uu ku jiray 27-sano, isagoo inta badan xabsigiisa kusoo qaatay jasiiradda yare e lagu magacaabo Robben Island oo ku taalla badda Atlantic ee duleedka Cape Town, wuxuuna halkaas kula kulmay jir-dil iyo cadaadis aad u xun oo markii dambe uu ka qaaday xanuunka feeraha oo hadda uu la il-daran yahay.

Mandela ayaa ah nin caan ka ah dunida oo dhan, wuxuuna ahaa ninka kaliya oo caalamku si isku mid ah ay ugu bannaana-baxeen sidii xabsiga looga sii deyn lahaa si uu dalkiisa uga qaado heeryada gumeysiga ee ku dhisnayd midab-kala-sooca ee ay majaraha u hayeen caddaankii reer Yurub ee dalka Koofur Afrika gumeysiga ku qabsaday misana diiday in qof madow ahi uu ku dhex-socdo magaalooyinka wixii ka dambeeya shanta galabnimo.

Hoggaamiyihii hore ee ANC ayaa xabsiga laga sii daayay sannadkii 1990-kii isagoo sannad kaddib madax u noqday ururkii ANC, kaddibna ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee xor ah oo dalkaasi ka dhacda isagoo xukunka hayay tan iyo sannadkii 1999-kii, isagoo sheegay inuusan isku soo taageynin doorasho kale.

Dabeecad ahaan Mandela waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin wanaagsan oo mar walba dhoolla caddeeya dadkuna ay ku yaqaannaan ruuxa naxariis badan oo aanan waligiis qofna  ka aargoosan, markii xabsiga laga sii daayay qudbaddiisii ugu horreeysay uu jeediyay wuxuu ugu baaqay dadka Madow ee Koonfur Afrikaanka ah iyo caddaankaba inay nabad ku wada noolaadaan oo la illoobaan wixii dhacay.

Mandela wuxuu dalkiisa ku hoggaamiyay dimoqoraadiyad iyo nabad-gelyo; shacabkii madowga ahaa ee boqolaalka sano lasoo gumeysanaayay oo sida xun loola dhaqmi jirayna waxay xushmadeeyeen khudbadii Mandela oo ahayd mid nabadeed.

Daahir Faarax,Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika