4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Sheegtay in Cudurka Dabaysha uu ka Dillaacay Magaalada Laascaanood

Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa maanta shaacisay in magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool laga helay cudurka Dabaysha.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Dr:Cismnaan Xuseen Warsame, ayaa sheegay in wiil yar oo lix sanno jir ah oo ku nool magaaladda Laascaanood laga halay hal kiis oo cudurka Dabaysha ah, taas oo duniddu ugu jirtay sidii aduunka looga cidhibtiri lahaa cudurkaasi oo dhimasho iyo naafaba u keenna Caruurta.

Cudurkan ayaa  la sheegay inuu si fudud loo kala qaado, isla markaana u faafi karo, waxaana Somaliland ugu dambaysay cudurkan lix sanno ka hor, waxaanay noqonaysa markii ugu horeysay ee Somaliland laga helo.

Somaliland ayaa ku mashquulsan sidii gurmad caafimaad loogu diri lahaa deegaanada laga soo sheegay cudurkan si aanu u faafin, waxaanay wasaaradu sheegtay inay shaqaale caafimaad u diri doonto si loo hakiyo faafinta cudurkaasi.

Dhowaan ayey ahayd markii cudurkan laga helay magaaladda Muqdisho, xeryaha Dhadhaab ee Kenya iyo Yemen, waxaanay Somaliland arrintaasi ka soo saartay qaylo dhaan ku saabsan sidiii looga hortagi lahaa cudurkaasi, taas oo ay kala shaqeeyeen Hay’adaha UNICEF iyo WHO oo markiiba bilaabay in caruurta la tallaalo.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland