4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Wafdiga uu Hoggaaminayay u qaybsanaha Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya oo booqday Kismaayo [SAWIRRO]



Khamiis, July 18, 2013(HOL) :- Waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi ka socday qaar kamid ah hay’adaha qaramada midoobay u qaabilsan arimaha biniaadaminada, iyadoona wafdigu uu booqday qeybo ka tirsan magaalada Kismaayo.

Wafdigan oo uu horkacayay u qeybsamaha Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Filip Lazaraani ayaa marki ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha Kismaayo waxa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wafdiga ayaa gudaha garoonka kulan kula qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ay kamid ahaayeen madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jeneral C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo madaxa arimaha bulshada maamulka C/naasir Seeraar Maax, waxaana masuuliyiintani ay wafdiga uga warbixiyeen xaaladaha dhinaca ammaanka iyo biniaadanimada ee ka jira magaalada Kismaayo.

Intaa kadib ayaa wafdiga waxa ay booqdeen isbitalka guud ee magaalada Kismaayo, waxaana ayna halkaasi kula kulmeen agaasimaha isbitalka magaalada Kismaayo Dr. Sheekh Cali, isagoona uga warbixiyay xaaladda guud ee isbitalka.

Masuuliyiintan ayaa qol qol u booqday qeybaha kala duwan ee isbitalka, waxa ayna halkaasi kula kulmeen bukaanada jiifa isbitalka, iyagoona sidoo kale booqday qeybo uu ka burbursanyahay isbitalka kuwaasoo aan wax dayactir ah helin mudadii uu dalku burbursanaa.

Sidoo kale wafdiga ayaa gudaha isbitalka kulan kula qaatay urrada ka shaqeeya arimaha biniaadanimada eek a howlgala magaalada Kismaayo waxa ayna uga warbixiyeen xaaladaha dhinacyada biniaadanimada, caafimaadka iyo waxbarashada ee  ka jirta Kismaayo iyagoona sidoo kale sheegay in magaalada Kismaayo ay ku yaallan ku dhawaad ilaa 64 kaam oo ay ku jiraan dad baracayaal ah.

Uqeybsanaha arimaha biniaadanimada ee Qaramada midoobay oo booqashadooda kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay indhahooda ku arkeen dhibaatooyinka biniaadanimo ee ka jira Kismaayo, wuxuuna xusay in ay si deg deg ah ugu soo gurman doonaan dadka ku dhibaateeysan Kismaayo, isagoona sidoo kale sheegay in isbitalka ay ku arkeen xaalad biniaadanimo oo u baahan in si deg ah wax looga qabto.

Gabagabadii waxa warbaahinta la hadlay madaxa arimaha bulshada maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax  waxa uuna sheegay in wafdiga ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Kismaayo, wuxuuna xusay in ay ka rajeynayaa in si deg deg ah ay uga jawaab bixin doonaan dhibaatooyinka ay ku arkeen magaalada Kismaayo.









Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya