4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Afhayeenka Howlgalka AMISOM oo ka hadlay bixitaankii Ciidamada Itoobiya ee Gobolka Bay iyo Ammaanka Muqdisho


Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan degmada Baydhabo ay buuxiyeen fariisimo ay ka baxeen ciidamadii Itoobiya ee halkaas ku sugnaa, isagoo xusay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid aad u wanaagsan.

Col. Cali Aadan Xumad wuxuu sheegay inay qorsheynayaan inay goobaha ay ka baxaan ciidamada Itoobiya oo dhan ay la wareegeen, isagoo xusay inay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay ku adkeeyaan ammaanka guud ee deegaannada ay dalka uga sugan yihiin.

“Markii ay ciidamada Itoobiya billaabeen inay ka baxaan Baydhabo innaguna waxaan billownay inaan la wareegto saldhigyadii ay ka baxeen, si amniga loo adkeeyo, waana mid naga go’an inaan ka shaqeyno ammaanka Somalia oo dhan,” ayuu yiri Col. Xumad.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa ka hadlay ammaanka Muqdisho, isagoo xusay in inkastoo ay jiraan goobo yaryar oo weli ay falal ammaan-darro ka dhacaan ay haddana tahay inta badan degmooyinka Muqdisho ay yihiin kuwo ammaan ah.

“Xaaladda guud ee Muqdisho way soo roonaanaysaa degmooyinka gobolka inta badan waa nabad, marka laga reebo goobo yar-yar oo ay weli ka jiraan dhibaatooyin,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada AMISOM oo shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay ammaankooda ku adkeysan lahaayeen.

Mar uu ka hadlay dilkii shalay degmada Yaaqshiid loogu geystay guddoomiye ku xigeenkii degmadaas, Raxmo Daahir ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilkaas, balse shacabka degmada uu uga maahdcelinayo inay gacan ka geysteen sidii kooxihii dilka geystay loosoo qaban lahaa.

Dhanka kale, afhayeenka AMISOM wuxuu ka hadlay ammaanka Magaalada Kismaayo, isagoo sheegay inuu aad u wanaagsan yahay, ayna doonayaan in ay sii xoojiyaan ammaanka magaaladaas.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu ka hadlay qarax ciidamada AMISOM loogu geystay Kismaayo shalay, kaasoo uu sheegay inay askar ka tirsan AMISOM iyo dad shacab ah ay ku caburmeen, balse aysan jirin khasaare intaas ka badan oo uu geystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya