4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Somali Dhac iyo Dil loogu geystay Magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria oo kawada tirsan Dalka Koonfur Afrika

Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ah ayaa lagu dilay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo sidoo kalena dhac loo geystay shalay dukaamo ay ganacsato Soomaaliyeed ku lahaayeen magaalada Pretoria ee xarunta dalkaas.

Ganacsade ka mid ah kuwii la boobay dukaankiisa ayaa sheegay in kooxo hubeysanb oo madow ah ay dhaceen dukaan ku yaalla xaafad ka mid ah kuwa xarunta Koonfur Afrika, kaddibna uu toogtay ganacsadihii dhaca loo geystay, taasoo keentay in la boobo dukaammo kale oo Soomaalidu ay ku leeyihiin magaaladaas.

“Dukaammo tobaneeyo ah ayaa la boobay, waxaana qaarkood la boobay iyagoo furan, kuwo kalena waa la jabiyay, kooxaha burcadda ah ee dhaca geysanayay iyo dadka xaafaddaas ku nool waxay u muuqdeen kuwo ku mideysan inay dhaca geystaan,” ayuu yiri ganacsadaha oo aan magaciisa sheegin.

Sidoo kale, ganacsadahan ayaa sheegay in dukaanada la dhacay uu ku jiray kiisa laguna soo jabiyay kaddib markii uu xiray, wuxuuna sheegay inay ka qaadanayeen burcaddu dukaamada kaararka taleefoonnada lagu shubto iyo lacagaha, balse dadka intooda kale ay boobayeen hantida kale ee dukaanka taalla.

“Inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo ganacsadaha loo geystay haddana waxaa la qaatay wax walba oo dukaamada yaalay, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa dhibaatooyinka booobka ah ee lagu hayo ganacsatada Somalida ah ee ku ganacsada Koonfur Afrika,” ayuu yiri ganacsadahan.

Dhanka kale, ganacsade Soomaaliyeed oo aanay noo suurogelin inaan helno magaciisa ayaa lagu dilay shalay gellinkii dambe magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, waxaana dilkiisa ka dambeeyay burcad dukaankiisa ku weerartay.

Falalkan isugu jira dhaca iyo dilka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli dalkaas uu ku geeriyooday safiirkii Soomaaliya iyo xilli xukuumadaha Soomaaliya iyo tan Koonfur Afrika uu dhexmaray heshiis wax looga qabanayo falalkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho Soomaaliya