4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Dagaal Ciidamada dowladda Soomaaliya & Kuwa Al-shabaab ku dhexmaray Deegaan ku yaalla Dulleedka Baydhabo

Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay in ka badan 11-qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray xalay deegaanka Ow-dinle oo ka tirsan gobolka Bay.

Dgaalkan ayaa wuxuu qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen saldhigga degmadaas, inkastoo markii uu dagaalku muddo socday ay xoogaggii Al-shababa dib ugu laabteen halkii ay markii  hore kasoo duuleen.

Guddoomiyaha degmada Ow-diinle, Maxamed Sheekh C/llaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerar ay Al-shabaab kusoo qaaday, ayna iyagu ku sugan yihiin goobihii dagaalku ka dhacay.

“Xalay abbaare 10:30 habeenimo ayay kooxihii nabad-diidka ahaa weerar ku soo qaadeen deegaanka, waxayna beegsadeen saldhigga, balse waa la iska caabiyay,”ayuu yiri gudoomiyaha Ow-diinle oo intaas ku daray: “Laba ka mid ah kooxda Al-shabaab ayaan dilnay, toddoba kalena way ka dhaawacmeen.”

Al-shabaab oo iyaduna ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen dagaalka, sidoo kalena ay ku dhaawaceen tiro kale.

“Dagaalka wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaana ka gaarnay ujeeddadii aan ka lahayn, ciidamadeenuna waxay dib ugu soo laabteen goobihii ay markii hore ka duuleen,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Al-shabaab.

Marka laga soo tago guulaha ay kala sheegayaan labada dhinac ayaa waxay goobjoogayaal ku sugan deegaanka warbaahinta u sheegeen inay arkeen maydadka afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tisran iyo dhaawac in ka badan 11-qof.

Xarakada Al-shabaab ayaa looga bartay inay kordhiso weerarrada marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana mas’uuliyiinta dowladda ay horay uga digeen weerarro ka yimaada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho Soomaaliya