4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Dawlada Soomaaliya oo beenisay in sharciga warbaahinta lagu daray qodob wariyayaasha 40 sano shuruud uga dhigay
Arbaco, July 17, 2013 (HOL) - Dawlada Soomaaliya ayaa beenisay warar ay horay saxaafadu isula dhex maraysay oo sheegaya in sharciga qabyada ah ee saaxafadda kaasoo ay meelmariyeen golaha wasiirradu ay ku jirto qodob 40 sano shuruud uga dhigaya ka shaqaynta mihnada warbaahinta.
Wasiir-Ciilmooge.jpg


Waxaana horay u soo baxay warar sheegaya in sharcigan oo la damacsanyahay in la horgeeyo baarlamaanka uu ku xadaynayo ka shaqaynta warbaahinta wixii ka wayn afartan sannadood.

Xafiiska Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi oo ay Hiiraan Online wax ka waydiisay arrinkaas ayaa beeniyay qodobkaas, waxaana uu sheegay in qodobkani uu ku jiray markii hore hindiseyaal loosoo gudbiyay balse markii dambe ay ka saareen qodobadii sharciga golaha wasiirradu ay meel mariyeen.

"Waxa saxaafada qaarkeed ay qortay waxba kama jiraan, mana dhici karto in 40 sano lagu xadeeyo mihnad dhan oo dadka ka shaqeeya ay dhalinyaro u badanyihiin" ayaa lagu yiri farriin kasoo baxday xafiiska Wasiirka.

Markii ay soo baxeen wararka sheegaya in uu ku jiro sharciga qodobka 40-ka sano ku xadaynaya ka shaqaynta warbaahinta ayaa waxaa arrintaasi ay dhalisay buuq ka imaanaya hay'adaha u dooda xorriyada warbaahinta, kuwaasoo ku tilmaamay sharciga cusub inuu  meel ka dhac ku yahay xorriyatul qawlka iyo xuquuqda uu qof waliba u leeyahay doorashada mihnada uu doono iyadoon da' lagu xiraynin.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya