4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
CABDI FAARAX LAQANYO: ''Awooddeenna Waxaan isugu geyn Doonnaa inta badan Sugidda Ammaanka Gobolka Hiiraan”


Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in maamulka uu hogaamiyo muhiimad gaar ah siinayo wax ka qabashada nabad-galyada, isaga oo sheegay in awoodooda inta badan isugu geyn doonaan sidii salka u dhigi lahaayeen amniga guud ahaan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne.

Mar uu la hadllayay ciidamo booliis ah oo tababar uga furmay magaalada Baladweyne ayuu sheegay in amniga oo wax badan laga qabto macnaheedu noqon karo nolashii bulshada oo dib u soo laabatay madaama talaabo kasta oo la qaadayo nabad-galyadu saldhig u tahay.

”Ciidamada booliiska waxaa ay tiir muhiim ah yihiin sugida amniga, waa saaxiibka koowaad ee bulshada, waana tan keentay in aynu tababar u furno ciidamo ka badan 100 askari, si markaa aynu u xaqiijino qorsheeha la xariira sugida nabad-galyada,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka.

Maamulka oo kaashanaya saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa horay ugu guuleystay in ay dib u dhis ku sameeyaan ciidamada xoogga dalka oo tababaro kala duwan ku qaaday gudaha gobolka.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay ciidamada booliska tababarka u furmay in ay  muujiyaan adkeysi iyo dulqaad mudada uu tabbarka socdo, waxaana uu amaan u jeediyay ciidamada oo sida sheegay heegan buuxan ugu jira sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabad-galyada shacabka.

“Tababarka marxalado kala duwan ayuu mari doonaa, dhib badan ayeey leeyahay mudada lagu guda jiro, waad in aad muujisaan dul-qaad, adkeysa iyo karti dheeraad ah mudada uu tababarka socdo si aan uga miro dhalinno halka aynu u socno oo ah in aan ku guuleysano, xaqiijino wax ka qabashada amniga.'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Hiiraan ayaa tababar uga furay magaalada Baladweyne guddoomiyayaasha xaafaddaha oo lagu barayo ''Nidaamka Dareyseynta'' oo sida ay sheegeen mas'uuliyiinta gobolka muhiimad gaar ah u leh wax ka qabashada nabad-galyada iyo iska warqabka laamaha amniga iyo  bulshada ku dhaqan magaalada si wada jir looga hortago wax kasta oo qal qal ku keeni kara nabad-galyada.

“Magaalada Baladweyne  in ay muuqaal ahaan u ekaato magaalooyinka ugu caansan dunida waxaa ay ku xiran tahay hadba sida ay u fikiraan bulshada ku dhaqan, annaga ka maamul ahaan waxaa naga go'an in kaalinta arintaa nooga aadan qaadano, laakiin waa in ay bulshada nagu caawisaa,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Waxaa uu mahad celin ballaaran u jeediyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo saraakiisha iyo guud ahaan ciidamada Jabuuti ee ka howlgala magaalada Baladweyne oo sida uu sheegay marka laga soo tago howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka yihiin u muujiyay bulshada gobolka Hiiraan is bar-taag dhab ah.

“Waan u mahad celinayaa ciidamada Jabuuti oo runtii qorshaha howlgalka ay u joogaan Soomaaliya ka badan u mujiyay shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne, gaar ahaan sida ay gacanta noogu siiyeen amniga iyo dib u soo nooleynta goobihii danta guud,'' ayuu yiri Cabdi Faarax Lanqayo.

Ciidamada Jabuuti ayaa dib u dhis ka bilaabay xaradii gaaska Shanaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Lama-galaay oo ku bur burtay dagaalladii dalka ka dhacay, taasoo qeyb ka ah balan-qaad ay horay u sameeyeen saraakiisha Jabuuti oo sheegay in lacag dhan $ 100,000 oo doollar ugu tal-galeen dib u dhiska xarrada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya