4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobollada Bay iyo Bakool iyo Gedo oo Maanta loo Qaybiyay Mushaar

Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Ciidamada milateriga dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa loo qaybiyay lacagihii ay mushaar ahaanta u lahaayeen oo muddo ay sugayeen, iyadoo maanta ciidan ka badan 2,000 oo askari oo kasoo tagay furmaha dagaalka ayaa mushaar la siiyay,l waxaana ku jiray kuwo aan weligood mushaar qaadan.

Ciidamadan oo ka tirsan qaybta 60-aad ee milateriga Somalia ayaa waxay la wareegeen fariisamo ay ka tageen ciidamada Itoobiya oo ku yaalla gudaha Baydhabo, sida warshadii Xaseey.

Sidoo kale, ciidamada AMISOM ayaa iyaguna la wareegay fariisimo kale oo ay ay ka baxeen ciidamada Itoobiya, waxaana ka mid ahaa saldhig ay ku lahaayeen duleedka Baydhabo.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ku sugan yihiin degmada Bardaale oo ka mid ah degmooyinka gobolka Bay, iyagoo halkaas ku sugaya ciidammo kale oo Itoobiyaan ah oo kasoo baxaya degmada Qansax-dheere ee isla gobolka Bay.

Saraakiil sare oo ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uusan wanaagsanayn, kaddib markii ay diideen ciidamada Itoobiya inay qabtaan deegaannada ay AL-shabaab kaga sugan tahay gobollada Bay iyo Bakool ayna ku wareejiyaan kuwa AMISOM.

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu wadaa inay dalka oo dhan ka baxaan xilliyada oso socda, iyagoo tani ay noqonayso markii labaad oo Itoobiya ay isaga baxdo gudaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2006 oo ay dhasheen ururkii maxkamadaha Islaamka oo u kala jajabay garabyo ay Al-shabaab ka mid tahay.

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo haatan safar ku jooga dalka Itoobiya ayaa la sheegay inuu kulammo la leeyahay madax ka tirsan Itoobiya oo uu ku jiro dhiggiisa dalkaas si loo xaliyo khilaafka sababay inay ciidamada Itoobiya isaga baxaan Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo