4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Guddoomiye Ku Xigeenkii Maamulka Degmada Baydhabo oo Dhaawac uu ka soo dagaal Maanta ka dhacay Magaaladaas

Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, Maxamed Xasan Dhala-dheere ayaa ku dhaawacmay iskahorimaad maanta ku dhexmaray gudaha degmadaas ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ilaaladiisa gaarka ah.

Sidoo kale, dagaalkan ayaa waxaa ku dhaawacmay ciidammo kale oo ka kala tirsan kuwii dagaalamay, iyadoo la sheegay in dhaawaca guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo uu yahay mid aad u culus, iyadoo lagu wado in loo qaado Muqdisho.

Dagaalkan ayaa waxay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isagoo ka dhashay dhismaha suuqa xoolaha ee Baydhabo oo ay ku howlanaayeen dhismihiisa qandaraaslayaal ka tirsan hay’adda TIS oo ay wadashaqeyni ka dhexeyso ha’yadda kaalmada Mareykanka ee USAID.

“iska horimaadkaa waxaa sababay ciidamada dowladda oo goobtaas fariisin ku leh qandaraaslayaashaa ka joojiiyay howsha, kaddibna waxaa goobtaas yimid guddoomiye ku xigeenka iyo ilaaladiisa oo ay dagaalameen kaddib markii uu soo dhexgalay is-afgaran waa,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Baydhabo.

Wararka dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkan iyo khasaaraha ka dashay waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Hiiraan Online, Baydhabo