3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Muran Siyaasadeed ka dhashay Jiritaanka Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ee Hargeysa looga dhawaaqay

Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Xukuumadda, goleyaasha sharci dejinta iyo madax dhaqameedka Somaliland ayaa si weyn uga hor yimid gole cusub oo siyaasiyiin reer Somaliland ahi kaga dhawaaqeen magaaladda Hargeysa, kaas oo ay u bixiyeen golaha wadatashiga iyo toosinta Qaranka oo ay isku bahaysteen siyaasiyiin mucaarad ku ah xukuumadda.

Tan iyo maalintiii lagu dhowaaqay golahaasi waxa iska soo daba dhacayey madax dhaqameedka goboladda oo cambaareynayey golehaaasi kuna tilmaamay sharci daro iyo dadweynaha laftooddii oo ku kala qaybsamay golahan cusub.

Haseyeeshee, dadweyne u badan dhalinyaradda ayaa iyagu taageraya golahan cusub, isla markaana soo dhoweeyey golahan oo ay sheegeen inuu yahay siyaasiyiin toosinaya xukuuuumadda, isla markaana soo bandhigaya dhaliilahoodda maadaama oo aanay imika dalka ka jirin xisbi mucaarad dhab ah oo tilmaama xukuumadda khaladaadkeedda.

Golahan oo buuq iyo muran ka dhex abuuray bulshadda dhexdeedd, taas oo laba garab la kala noqday kuwo taageeraya iyo kuwo ka soo horjeedda, ayaa xukuuumadduna  golahan ku tilmaamtay inuu abuurayo khalkhal nabadgalyo, sidaad arteed aan la ogolayn inuu dalka ka shaqeeyo.

Goleyaasha cambaaraynaya golahan wadatashiga iyo toosinta Qaranka waxa ugu dambeeyey Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiillada, Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Aw Yuusuf Axmed, waxaanay sheegeen in golahaasi sharci daro yahay, isla markaana dalku leeyahay  golayaal iyo saddex xisbi.

“Golayaal baa jira qaran, waad ogaydeen ururadii baa la furay doorashaa la galay saddex xisbi qaran baa jira saddexda xisbi qaran ayaa afka shacabka ku hadlaya iyo saddexda gole. Gole kale cidii sheegatay dastuurka ayay jabisay.”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeeka kowaad ee golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo arrintaasi ka hadlaya, waxaanu intaasku daray “ Waxa aan ku waaninaynaa oo aanu u soo jeedinaynaa guddidaasi golaha sheegatay waa sharci darro meel dastuurku u banaynayaa ma jiro. Waxaan u soo jeedinayaa odayaasha in ay ka waantoobaan”.

Sidoo kale, Guddida joogta ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa  iyaguna ka digay siyaasiyiintaasi samaystay golaha cusub, kuwaas oo tilmaamy inay yihiin sharci daro.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah Dadka ugu da’da weyn Somaliland, isla markaana bulshadda aad u ixtiraanto ayaa talooyin usoo jeediyey golahaasi, waxaanu yidhi “Waxa aan u soo jeedinayaa siyaasiyiinta ku dhawaaqay golahaasi in aanay ka nixin maatida iyo waayeelka aan ka mid ahay ee ku nool nabadii iyo midhihii halganka ee ay tacabka badan ku lahaayeen, dhawaaqooduna aanu u faa’iidayn qof si xun wax u doonaya oo dhibaato ku keena ummada iyo dalka. Waxaan u soo jeedinayaa inaanay nabad-gelyadda wax u dhimin iyo sumcadda qarankaba.”

Isagoo Xaaji Cabdi Waraabe hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Haddii ay wax tabasho ah qabaan waa in ay u keenaan golayaasha baarlamaanka, abaal weyn ayay nimankaasi ku leeyihiin qaranka, magacna waa loogu hayaa, waxaan leeyahay adeerayaal midhihiinii ha tacab khasaarinina.”

Dhinaca kale, waxa iyaguna taageero balaadhan u muujinayaa golahan dhalinyaro badan, kuwaas oo xukuuumadad ku eedeeyey inay meesha ka saartay xisbiyadii mucaaradka ahaa ee khaladkeedda tilmaami lahaa, sidaa darteedna golahan cusubi yahay siyaasiyiin u midoobay inay toosiyan xukuuumadda.

“Waanu taageeraynaa golahan wadatashiga waxay arkeena waa waxay shacabku arkeen, waxaana loo baahan yahay in la toosiyo oo khaladaadkeedda badan la tuso si dumuqraadiyadu u hagaagto ”ayuu yidhi Maxamuud Aadan Cali oo ka mid ah dad taageersan golahan.

Haseyeeshee, xukumadda ayaa iyaduna ku dadaalaysaa sidii golahan cusub iyo shacabka la iskugu dhufan lahaa, isla markaana shacabka loogu tusi lahaa inay abuurayaan  nabadgalyo daro iyo khalkhal siyaasadeed oo sharci daro ah, taasina waxay keentay in madax dhaqameedka gobolada iyo degmooyinka ay ka hadlaan arintaasi, isla markaana ay cambaareeyaan golahan cusub.

Sidoo kale, golahan wada tashiga oo ay ku bahoobeen siyaasyiin magac iyo qadarin ku leh shacabka dhexdeedda, isla markaana ay ka muuqdaan madaxweyne ku xigeenno hore usoo maray Somaliland, kuwaas oo ku doodaya in aanay wax dhibaato ah u horseedeen dalka ,balse ay soo bandhigayaan khaladaadka ay xukuumaddu gashay mudadii ay xilka haysay, maadaama oo ay isku milmeen golihii xukuumadda, golihii sharci dejinta iyo xisbiyadii mucaaradka, taasina ay meesha ka saartay in la toosiyo xukuumadda .

Golahan cusub oo sharaxaya eraygan Gole ee doodda badan iyo muranka keentay, ayaa ku yidhi “ Kelmada GOLE waa erey ka da’ weyn  dhismaha dawladda aynu iminka naqaano, oo somaalidu soo isticmaalaysay wakhti aan dawlad ba la aqoon. Tusaale: Gole Geel-jire, Gole ciyaareed, Gole wada hadal, Gole colaadeed, Gole nabadeed, iyo Gole xidid iyo Gole Diineed. Iminkana waxa loo isticmaalaa Golaha Salaadiinta , Golaha Cuqaasha, Golaha Suugaanta iyo Golaha Barayaasha. Sidaa darteed, waxa hadalka Xukuumadda ka muuqday inay dadweynaha  sifo khaldan ugu dhigeysay , taas oo aanu ku sharaxnay ereyga GOLE isticmaalkiisii hore iyo kan dambeba”.

“Golayaasha Qaranka ee Dastuurku jideeyey waa seddex: 1) Golaha Xukuumada, 2) Golaha Wakiilada iyo 3) Golaha Guurtida, midna maanaan sheegan. Xisbi Qaran maanaan sheegan, ee waxanu nahay Muwaadiniin talo aanu isleenahay wax bay u tareysaa Dalka iyo Dadka u soo jeediyey, sida Dastuurku xaqa u siiyey inuu fikirkiisa cabirikaro.”ayey war-saxaafadeed ka soo baxay ku sharaxeen waxa uu golahodu kaga duwan yahay goleyaasha dalka ka jira.

“Waxaanu  Ummadda  Somaliland u sheegeynaa nuxurka Goluhu waa wax ha la saxo, waana  waxaynu wada leenahay dhamaanteen oo u baahan inaynu ka wada tashano marka ay timaado kale duwanaansho fikir iyo aragti ku salaysan xaguu Waddanku u socdaa ma tahay wadadii guusha, waxaanu mar labaad Cadaynayaa  inaanu golahanu ahayn  gole ku jira tartan siyaasadeed,  Nuxurkuna waxa weeyi in wixii khaldan ku dhamaysano  Tallo loo wada dhan yahay oo hareeraha laga wada jooga, sidii Somaliland ku caano maashay loo adkeeyo Midnimaddeenna”ayey hadalkoodda sii raaciyeen.

Si kastaba ha ahaatee,golahan cusub ayaa xukuumaddu sida fiinta uga qayliday, waxaanay sheegeen inay sharci daro tahay in golaha aan kuwo dastuurku sheegay ahayn dalka lagaga dhowaaqo, haseyeeshee madax dhaqameed kale ayaa iyaguna  xukuumadda ka codsaday in aan lagu degdegin in xabsiga loo taxaabo siyaasyiintaasi maadaama oo abuuri karto khalkhal siyaasadeed.

Siyaasyiintan ku bahoobay golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa waxa ku jira qaar kamid ah gudoomiyeyeeshii ururadii siyaasyada ee tartankii golaha deegaanka ku hadhay ee tirsanayey in cadaalad daro lagu reebay iyo siyaasyiin kale oo uu ka mid yahay wasiirkii hore Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi oo taageero badan ka haysta dhalinyaradda, gaar ahaan  ardayda jaamacadaha dalka ka dib markii muddo gaaban uu kor u qaaday miisaaniyadda qarannka, isla markaana shaqaalaha dawlada iyo Ciidamadda 100% u kordhiyey, waxbarashadii dugsiyada dhexe iyo hoosana ka dhigay bilaash iyo Shaqo abuur uu sameeyey, taasna waxa uu ku helay inuu bulshadda dhexdeedda ixtiraam badan ka helo.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland













Click here
7/17/2013 11:20 AM EST
Dawlada Soomaaliya ayaa beenisay warar ay horay saxaafadu isula dhex maraysay oo sheegaya in sharciga qabyada ah ee saaxafadda kaasoo ay meelmariyeen golaha wasiirradu ay ku jirto qodob 40 sano shuruud uga dhigaya ka shaqaynta mihnada warbaahinta.

7/17/2013 10:24 AM EST
Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in maamulka uu hogaamiyo muhiimad gaar ah siinayo wax ka qabashada nabad-galyada, isaga oo sheegay in awoodooda inta badan isugu geyn doonaan sidii salka u dhigi lahaayeen amniga guud ahaan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne.

7/17/2013 10:18 AM EST
Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta la kulmay guddi hawleedka qorshaha New Deal ama hiigsashada cusub ee Soomaaliya, gudigan oo loo yaqaan "High Level Task Force".

7/17/2013 10:06 AM EST
Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Ciidamada milateriga dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa loo qaybiyay lacagihii ay mushaar ahaanta u lahaayeen oo muddo ay sugayeen, iyadoo maanta ciidan ka badan 2,000 oo askari oo kasoo tagay furmaha dagaalka ayaa mushaar la siiyay,l waxaana ku jiray kuwo aan weligood mushaar qaadan.

7/17/2013 10:05 AM EST
Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Gudidda Doorashooyinka, xisbiyada Qaranka iyo xukuumadda oo maanta wada yeeshay kulan wada jir ah, ayaa kala saxeexday heshiish ku saabsan sidii dalka laga sameeyo Diiwaangelinta Muwaadinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha doorashooyinka dambe lagu galo.

7/17/2013 8:01 AM EST
Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Xawaaladda KAAH Express ayaa kafaalo qaadday quudinta bukaannada ku jira isbitaalka qaaxaddamagaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaddib markii ay adkaatay quudinta bukaannadaas.

7/17/2013 7:51 AM EST
Sirdoonka waddanka Kenya ayaa u yeeray Eliud Owalo oo ah la taliyihii Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya si su’aalo loo waydiiyo.

7/17/2013 7:37 AM EST
Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, Maxamed Xasan Dhala-dheere ayaa ku dhaawacmay iskahorimaad maanta ku dhexmaray gudaha degmadaas ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ilaaladiisa gaarka ah.

7/17/2013 7:22 AM EST
Xaafadda ay daganyihiin inta badan Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa waxay kamid tahay goobaha ugu nadaafada xun ee caasimada dalka Kenya.

7/17/2013 6:49 AM EST
Arbaco, July 17, 2013(HOL) :- Hal qof ayaa ku dhintay 10 kalena waxa kasoo gaaray dhaawacyo kadib markii gaari nooca UD-ga loo yaqaan uu ku rogmaday xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo.

7/17/2013 6:06 AM EST
Arbaco, July 17, 2013(HOL) :- Waxaa goordhawayd magaalada Kismaayo ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo marayay mid kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo.

7/17/2013 4:25 AM EST
Arbaco, July 17, 2013(HOL) :- Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqooyinkii dhawaan magaalada Qardho ku dhexmaray ciidamada maamulka Puntland iyo kooxxo hubeysan oo kasoo horjeeday in ay dhacdo doorashada.

7/17/2013 3:54 AM EST
Arbaco, July 17, 2013(HOL) :- Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa ku guuleystay in ay soo bixiyaan Miino ku aasnayd mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee mara magaalada Kismaayo.

7/17/2013 3:02 AM EST
Arbaco, July 17, 2013(HOL) :- Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi oo shalay gelinkii danbe gaaray dalka Itoobiya ayaa waxa uu kulamo la qaatay madax ka tirsan dowladda Itoobiya kuwaasoo uu kala hadlay arimo ku saabsan iskaashiga labada dal.