4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Qarax Kismaayo Lagu Beegsaday Ciidammo Ka Tirsan Kuwa AMISOM



Arbaco, July 17, 2013(HOL) :- Waxaa goordhawayd magaalada Kismaayo ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo marayay mid kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda V-afmadow, waxaana lala beegsaday kolonyo ciidamada AMISOM oo halkaasi maraysay.

Daryanka qaraxan ayaa laga maqlayay guud ahaan xaafadaha magaalada Kismaayo, waxaana qaraxa kadib la maqlayay rasaas xooggan oo ay ridayeen ciidamadii qaraxa lala beegsaday.

Ilaa imika ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamadii qaraxa lala eegtay,  haseyeeshee waxaa la xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhintay hal qof, afar kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen kuwaasoo ah dad rayid ah oo qaarkood ay haleeshay xabadihii ay ridayeen ciidamadii qaraxa lala eegtay.

Ciidamada AMISOM ayaa xiray aagga uu qaraxa ka dhacay, waxaana adag in la ogaado qasaaraha kasoo gaaray weerarka.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo saaka ciidamada ammaanka maamulka Kismaayo ay Miino kasoo saaray xaafadda V-afmadow oo ah halka uu ka dhacay qaraxa.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.