4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Miino laga soo Saaray mid ka mid ah Waddooyinka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Arbaco, July 17, 2013(HOL) :- Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa ku guuleystay in ay soo bixiyaan Miino ku aasnayd mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee mara magaalada Kismaayo.

Miinadan oo la sheegay in ay ahayd mid weyn islamarkaana qasaaro lixaad leh geysan lahayd hadii ay qaraxdo ayaa waxa lagu aasay hareeraha wadada dheer ee marta xaafadda V-afmadow, waxaana saaka ku guuleystay in ay bixiyaan ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda maamulka Kismaayo.

Xilligii la bixinayay miinada ayaa qadar daqiiqado ah hawada laga saaray isgaarsiinta magaalada Kismaayo, mana jiraan ilaa imika masuuliyiin ka tirsan maamulka oo arintaasi ka hadlay.

Dhawaan ayay ahayd markii gudaha magaalada Kismaayo qarax lagula eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda maamulka, iyadoona qaraxaasi uu dhaawac kasoo gaaray wadihii gaariga, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiinta maamulka Kismaayo.

Masuuliyiinta maamulka ayaa ku eedeeyay Miinooyinka lagu qarinayo wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo in ay ka danbeeyaan xoogagga Al-shabaab sida weyn uga soo horjeeda jirtaanka dowladda Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya