4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Qaramada Midoobay oo soo saartay Warbixin Muujinaysa in Ciidanka Kenya ay ku lug leeyihiin dhoofinta dhuxusha Kismaayo
kENYAN.jpg

Axad, July 14, 2013 (HOL) — Wakaalada wararka ee Reuters ayaa daabacday warbixin muujinaysa in ciidamada Kenya ay ku lug leeyihiin dhoofinta dhuxusha ee magaalada Kismaayo.

Dhoofinta dhuxusha ayaa ah sharci darro kadib markii dawlada Soomaaliya iyo qaramada midoobay ay si isku mid ah u soo saareen go'aamo lagu mamnuucayo dhoofinta dhuxusha oo nabaad guur ku keenaysa deegaanka isla markaana qayb ka ah meelaha uu dakhligu uga soo xaroodo xarakada Alshabab.

Reuters ayaa sheegtay in warbixinta cusub ee ay qoreen guddi ka tirsan qaramada midoobay lagu cadeeyay in ciidamada Kenya oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM ay ku joogto gudaha Soomaaliya inay masuul ka yihiin fududaynta dhoofinta dhuxusha oo si toos ah looga dhoofiyo dekadda magaalada Kismaayo.

Waxay warbixintu sheegtay in dhoofinta dhuxusha ay qayb ka tahay meelaha uu Alshabaab kasoo galo dakhliga ay ku maalgaliyaan hawlgalladooda ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Guddiga ayaa warbxintooda ku muujiyay inay adkaan doonto in Alshabaab laga curyaamiyo ilaha uu kasoo galo dhaqaaluhu inta ay socoto dhoofinta dhuxusha.

Militariga dalka Kenya ayaa bilihii lasoo dhaafay si isdaba joog ah u beeninayay wararka sheegaya in ciidamadoodu ay ka qaybqaataan dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah.

Warbixintan qaramada midoobay ayay is waafaqayaan warbixin horay xildhibaano ka tirsan dawlada Soomaaliya ay ugu gudbiyeen diblamaasiyiin ka socota beesha caalamka oo ku sugan magaalada Nairobi, kuwaasoo qaarkood lagu weeraray magaalada Nairobi islamarkaana looga qaatay dikumiintiyo iyo kumbiyuutarro ay ugu jireen macluumaad muhiim ah.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa horay u daabacday warxbixin kale oo ay guddigaas qaramada midoobay qoreen taasoo muujinaysa in bangiga dhexe ee Soomaaliya uu ka socdo musuqmaasuq ballaaran oo lacagaha si aan nidaamsanayn loogala baxo, iyadoo aan la raacayn shuruucda rasmiga ah ee laga doonayo in lagu dhaqo bangiyada dhexe ee dawladaha.

Waxaana warbixintan cusub ee ku saabsan doofinta dhuxusha laga yaabaa inay Kenya u keento mushkilad diblamaasiyadeed maadaama golaha ammaanka ee qaramada midoobay ay soo saareen go'aan lagu mamnuucayo gabi ahaanba dhoofinta dhuxusha magaalada Kismaayo oo loo arkayay inay lacag xooglihi uga soo xarooto ururka Alshabaab.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya