4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2013
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukunno isugu jira dil toogasho iyo xabsi ku ridday in ka badan 10-qof oo eedeysanayaal ah


Sabti, July 13, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwado loo haystay 16-qof oo ku kala eedeysnaa dil, kufsi iyo dhac, waxaana maxkamaddu 12 qof oo ka mid ah ay ku ridday xukunno isugu jira xabsi iyo dil toogasho.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Dr. Xaashi Cilmi Nuur oo la hadlay warbaahinta kaddib dhageysiga dacwadda, ayaa wuxuu saxaafadda u sheegay in C/qaadir Maxamed Shardi oo ka mid ahaa dadkii maxkamadda la horkeenay maanta lagu xukumay dil toogasho ah.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maxkamaddu ay xukuno isugu jira toban sano iyo saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo ahayd min saddex malyan lagu xukumay eedeysaayaan tiradoodu gaaraysay 10-qof oo kale.

Dadka xabsiga iyo ganaaxa lacageed la dul-dhigay ayaa waxaa ka mid ahaa: Maxamed Ibraahim Aadan oo lagu xukumay saddex sano oo xarig ah iyo Cabdi Axmed Bisle Afdheere oo isagana lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah.

Dhanka kale, waxaa guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir uu isna ku dhawaaqay in dacwooyinkooda dib loo dhigay: Ismaciil Muse Maxmauud,  Maxamed Abuukar Nuur, C/risaaq Nuur Fiidoow iyo kuwo kale.

Maxkamadda ayaa iyagana sii daysay laba ruux oo kala ah: Macallin Salaad Macallin Cabdi iyo Cabdullaahi Cabdi Maxamed, kuwaasoo uu garsooruhu sheegay in lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Eedeysanayaashii lagu xukumay dilka toogasho, kuwii xukunkooda dib loo dhigay iyo ruuxii dilka tooogasho lagu xukumay ayaa waxaa goobta ka waday ciidammo ka tirsan kuwa ilaalada xabsiga, kuwaasoo dib ugu celiyay xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Labadii qof ee maxkamaddu ay xukuntay in lasii daayo ayaa iyagana lagu wareeiyay ehelladooda oo goobjoog ka ahaa xukunka maxkamadeed ee ka dhacay maanta xarunta maxkamadda gobolka Banaadir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya