4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2013
Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixiyay Weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhacay

Sabti, July 13, 2013 (HOL) — Taliska booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay Muqdisho lagu beegsaday ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo sheegay in baaritaanno ay ku hayaan gaariga iyo ciddii iska lahayd.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Yuusuf Madaale ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ay ka dambeysay Al-shabaab oo la doonayay in lagu dhibaateeyo ciidamada AMISOM, balse dad badan oo rayid ah ay khasaare kasoo gaartay.

“Weerarku wuxuu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyay nin watay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana uu dhexda ka galay gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM, ma jirto khasaare gaaray ciidamadii; laakiin wuxuu saameyn ku yeeshay goobo ganacsi, waxaana ku dhintay weerarkaas shan qof oo uu ka mid ahaa askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka,” ayuu yiri Jen. Madaale.

Sidoo kale, afhayeenkaha booliisku wuxuu sheegay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen 15-qof oo 10-qof oo ka mid ah ay dhaawacyadoodu yihiin kuwo culus iyo shan kale oo dhaawacydoodu fudud yihiin kuwaasoo uu ku jiro wariyihii BBC-da.

Afhayeenka oo sii hadlay ayaa sheegay in taliska booliiska uu ku howlan yahay sidii uu u baari lahaa weerarradii ka dhacay Muqdisho oo dhan si ay u xaqiiqsadaan goobaha laga soo abaabulo weerarradan iyo dadka gacanta ka geysta.

“Arrinta baaris ayay weli ku jirtaa, mana doonayo inaan hordhaco, laakiinse waxaan idiin xaqiijnayaa inuu baaritaan uu socdo, waayo gaariga taargo ayuu lahaa gacanta ayaana ku haynaa taargadiisa,” ayuu afhayeenku ku daray hadalkiisa.

Inkastoo afhayeenka booliiska Soomaaliya uu sheegay inaysan jirin khasaare  ciidamada AMISOM kasoo gaartay weerarkaas, ayaa haddana afhayeenka u hadla ciidamadan wuxuu sheegay inay laba askari oo ciidamadooda ka mid ah ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen weerarka.

Dhanka kale, khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah ayaa ka badan inta uu sheegay afhayeenka booliiska Soomaaliya, iyadoo goobjoogayaashii ku sugnaa halkaas ay xaqiijiyeen dhimashada in ka badan 10-qof oo shacab ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya