4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Maanta xarigga ka jaray Radio FM ah oo laga dhageysan doono Qur’aanka iyo Axadiista (SAWIRRO)


Jimco, July 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xadhiga ka jaray idaacad cusub oo FM ah oo khaas u ah quraanka karriimka iyo Axaadiista Nabiga NNKHA oo lagu soo kordhiyay idaacadda Radio Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay furitaanka idaacadan cusub, ayaa dadweynaha ku bogaadiyay bilashada Ramadaan, waxaanu yidhi  “Shacbiga Somaliland iyo ummadda muslimiinta ah waxaan ku hambalyaynayaa bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, ILAAHAY-na ha inaga yeelo inta soonka iyo cibaadadaba uu ka aqbalo. Bishani waa bil barakaysan, waana bil cibaadadu waajib tahay waxaana had iyo jeer ay culimaddu inoo sheegtaa inaynu ka dheeraano xanta, xumaha, xasadka iyo wax kasta oo ILAAHAY Inaga reebay,”

“Suurto gal ma aha in dadka qaar jidaystaan inay mar walba la taagnaadaan aflagaado,been abuur iyo inay sharciga ku tuntaan xataa bishan Ramadaan. Maalmahanba waxaan saxaafadda kala soconay hadallo naxli xambaarsan , iyo hadallo xumaan xambaarsan oo ragga qaarkood ka soo baxayay.”ayuu yidhi madaxweynaha oo u jawaabayey siyaasiyiin dhaliilay madaxweynaha, waxaanu intaas ku daray “Hadalladaasi waxay iskugu jireen kuwo toos loogu tallo galay in lagu dhaawaco deganaanshaha dalka, xasiloonida dalka iyo kuwo shakhsi cay ah. Dabcan annagu masuuliyad qaran oo culus ayaanu haynaa inaanu u dul qaadano waa lagama maarmaan, hase yeeshee waxaan shacbiga u sheegayaa inaanaan cidna ka aqbalaynin in sharciga dalka lagu tunto oo cid kastaaba wixii ay doonto iska samayso.”

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in idaacaddani ay bulshadda faa’iido balaadhan u leedahay, waxaanu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay oo uu ugu horeeyo Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland.

Sidoo kale wasirkA Diinta iyo Awqaafka Sheekh KHaliil Cabdilahi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay idaacada Quraanka kariimka ah oo ku lamaan idaacadda Radio Hargeysa, taas oo dadweynuhu ka faa’iidi doonaan.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland