4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2013
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Dhaleeceeyay Weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday Ciidamada AMISOM

Jimco, July 12, 2013 (HOL) — Ra,iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdon (Saacid) ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday gellinkii dambe ee maanta gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM, isagoo tacsi u diray dhamaan qoysaskii dadkii rayidka ahaa ee wax-yeelladu kasoo gaartay weerarkaas.

Weerarkan ayaa waxaa waxyeello ay kasoo gaartay dad shacab ah iyo askar ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo mas’uuliyadiisa ay durba ku dhawaaqday inay leedahay Xarakada Al-shabaab.

"Waan u tacsiyaynayaa dhammaan qoysaskii ay dadkoodu waxyeellada ka soo gaartay weerarkaas oo ay fuliyeen kooxaha nabadda diiddan. In micno-darro lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed waa nasiib-darro aad u weyn, dowladduna dadaal dheeri ah ayay ugu jirtaa in laga hortago falalka noocan oo kale ah eek a dhacaya Muqdisho," ayuu yiri ra'iisal wasaaruhu.

Sidoo kale, war-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska ra’iisul wasaare Saacid ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu fuliyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayna ku dhinteen saddex qof oo rayid ah iyo laba qof oo ahaa kuwii watay gaariga ismiidaaminta sameeyay.

Taliska AMISOM ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan oo lala beegsaday gaadiid ay leeyihiin, ayna kaga dhaawacmeen laba askari wax kale oo khasaare ahna aysan kasoo gaarin weerarka.

Xarakada Al-shabaab oo dhankeeda hadashay ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan oo ay la beegsadeen ciidamada ku sugan Soomalia ayna halkaas ku dileen askari ka tirsan ciidamada AMISOM iyo saraakiil Mareykan ah.

“Mujaahidiintu waxay manta weerar ismiidaamin ah la beegsadeen gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM, waxaana ku dilnay laba sarkaal u dhashay Mareykanka oo maalmahan aan isha ku haynay dhaqdhaqaqyo ay Muqdisho ka wadeen iyo sideed askari oo ka tirsan ciidamada Afrikaanka,” ayuu yiri sarkaal u hadlay Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa bishii hore sheegtay inay kordhinayso weerarrada ay ka geysanayaan Muqdisho, xilli ay weerareen xarunta UNDP ay ku leedahay Muqdisho oo ay ku dhinteen tiro ka tisran shaqaalaha Qaramada Midoobay, iyadoo dowladda Soomaaliya ay u muuqato inay wax ka qaban la’dahay weerarrada soo laalaabtay ee Al-shabaab ay ka geysanayso Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya