4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2013
Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo kasoo horjeeda sharci qabyo ah oo Wasiirada Dowladda Soomaaliya ay Meel-mariyeen

Jimco, July 12, 2013(HOL)—Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay meel marisay sharci qabyo qoraal ah, kaasi oo ay u arkayaan in uu yahay mid xaaladda ku sii adkeyn doona warfidiyeennada Soomaaliyeed oo xaalado ka dhan ah xuquuqdooda aas-aasiga ah la kulmayay sanadihii aynu ka soo gudubnay.

 

Cumar Faruq Cusmaan- Xoghayaha guud ee NUSOJ
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa war uu soo saaray maanta waxaa uu uga soo horjeestay sharciga qabyada ah ee saxaafadda, kasoo uu shalay meel mariyay golaha wasiirada Soomaaliya.

 

NUSOJ waxaa ay sheegtay sharcigan qabyada ah ay ku jiraan qodobbo dhowr ah oo ka hor imaanaya xoriyadda saxaafadda iyo madax bannaanida saxaafadda gaarka loo leeyahay ee ka hanaqaaday dalka Soomaaliya.

 

“Waa loo baahan yahay in sharci nidaamiya loo sameeyo saxaafadda, waana soo dhaweyneynaa in sharci loo sameeyo balse marnaba ma aqbali karno sharcigan oo kale oo ka hor-imaanaya xoriyadda saxaafadda, xuquuqda suxufiyiinta iyo xoriyadda ay ku shaqeeyaan saxaafadda xorta ah ee ka howlgasha dalka” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan.

 

Sharcigan qabyada ah ayaa saxaafadda inteeda badan durba ka hortimid maadaama uu ku qasbayo suxufiyiinta in ay sheegaan il-wareedkooda. Saxaafadda ayaa waxaa uu ku qasbayaa suxufiyiintu in ay u raacaan sidii anshaxa saxaafada qodobbo aan marnaba shuqul ku laheyn anshaxa saxaafadda.

 

NUSOJ waxaa ay sidoo kale walaac ka muujisay madax-bannaanida iyo xubnaha uu ka kooban yahay golaha saxaafadda qaranka ee uu dhigayo sharcigan aan weli la horgeynin baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Milkiilayaasha warbaahinta ayaa gabi ahaanba lagu soo darin in ay xubin ka noqdaan golaha saxaafadda iyadoo tirada suxfiyiinta ee xubnaha ka noqonayso ay aad ugu yar tahay midda xubnaha wasaaradda warfaafinta iyo xubnaha ka socda baarlamaanka oo la isku daray.

 

“Waan u gudbinay talooyinkii suxufiyiinta iyo bahda saxaafadda wasiirka warfaafinta waxaana nasiib darro ah in sharci sidaani u xanibaya saxaafadda la soo saaro” ayuu ku daray Cumar Faaruuq oo hadalkiisa ku sii daray  “Soomaaliyada cusub ee ku dhisan sharciga iyo cadaaladda ma aha in loo horseedo caburinta xoriyadda saxaafadda iyo in xanibaado lagu soo rogo xoriyatul-qowlka.

 

Qabyo qoraalka sharciga nidaaminaya saxaafadda ayaa sidoo kale waxaa uu meesha ka saaraya madaxbannaanida golaha saxaafadda qaranka, iyadoo suxufiyiinta u shaqeeya wakaaladaha wararka lagu soo rogaayo xanibaado aad u xakameynayo shaqadooda.

 

Ururka NUSOJ waxaa uu sidoo kale tilmaamay in sharciga qabyada ah uu doonayo in uu diiwaan geliyo dhamaan xarumaha warbaahinta oo uu ku jiro jaraa’idka. “Sida ku cad xeerka caalamiha ah ma aha in la diiwaan geliyo oo shati la siiyo” ayuu yiri Cumar Faaruuq.

Halkan ka aqriso Xeerka Saxaafadda ee ay soo gudbisay Xukuumadda. PDF


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]