4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2013
Qarax Ismiidaamin ah oo Magaalada Muqdisho lagula beegsaday Gaadiid ay Wateen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM


Jimco, July 12, 2013 (HOL) — Weerar Ismiidaamin ah ayaa goor dhow lala beegsday gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay agagaarka xarunta hay’adda UNDP ay ku leedahay Muqdisho, iyadoo weerarkaas ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa hoosta ka galay mid ka mid ah gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM, iyadoo ay ku dhinteen lab aka mid ah ciidamadii AMISOM ee gaariga la socday tiro kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen.

“Qaraxu wuxuu ahaa mid loo adeegsaday gaari miineysan oo dabada ka galay gaari ay wateen ciidamada AMISOM, waxaan arkay laba ka mid ah askarta AMISOM oo uu goobta ka qaadayay gaari ambalaas ah oo ay leedahay AMISOM,” ayuu yiri Axmed Maxamed oo ku sugnaa meel ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Laakiin afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo saxaafadda la hadlay ayaa xusay in laba ka mid ah ciidamadooda ay dhaawacyo kasoo gaareen weerarkaas, gaarigii ay la socdeenna ay taayirrada ka qarxeen.

Goobjoogaha ayaa sheegay in gaariga AMSIOM uu qaybta dambe ka gubtay, ayna sidoo kale qaraxa ku gubteen dukaammo ku yaalla waddada dhinaceeda, halkaasoo ay ku sugnaayeen dad doonayay inay ka adeegtaan, iyadoo halkaas ay ku dhinteen ku dhow ku dhow 10-qof oo shacab ah.

Xarumaha ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay oo ay ku jiraan xarunta ay WFP ku leedahay Muqdisho iyo xarun ay leedahay shirkadda Hormuud ayuu saameyn ku yeeshay qaraxaas, iyadoo ay goobta xireen ciidamadii AMISOM iyo kuwo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

“Dadka oo dhan waa loo diidan yahay inay goobta soo galaan, waxaan anigu ku suganahay meel ku dhow halka uu weerarku ka dhacay, khasaare weyn ayuun weerarku geystay… dad badan oo shacab ah ayaa ku dhintay kuwo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray, balse lama xaqiijin karo tiradooda,” ayuu goobjooguhu hadalkiisa ku daray.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo lala beegsado gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay gudaha Muqdisho, iyadoo uu kusoo beegmayo xilli ay Al-shabaab ku habjabtay inay kordhin doonaan weerarrada ismiidaaminta ah ee ay la beegsanayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Bishii hore ayay ahayd markii weerar ismiidaamin ah oo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay Al-shabaab la beegsatay xarunta ay hay’adda UNDP ku leedahay Muqdisho.

Ciidamadii AMISOM ee qaraxa lagu weeraray iyo kuwii dowladda ayaa goobta ka tagay iyadoo halkaas ay ku sugan yihiin dadweynaha isku dayay inay dambiyaan dab xooggan oo ka dhashay qaraxa, waxaana weli goobta yaalla maydadka dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay goobtaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya