4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2013
Dad ku dhinty rasaas lagu furay gaari ka baxay Degmada Boosaaso iyo qaar kale oo ku dhaawacmay isla Weerarkaas

Jimco, July 12, 2013 (HOL) — Koox dabley ah ayaa xalay abbaare 12:kii habeennimo jidka u galay gaari nooca xamuulka qaada ah oo ka tegey magaalada Boosaaso, kaas oo marayey inta u dhexeysa tuulooyinka Kalabery iyo Kob-dhexaad oo qiyaastii 70km magaalada Boosaaso bariga ka xiga.

Rasaasta lagu furay gaariga ayaa sababtay geerida 3-qof oo isugu jirey wadihii gaariga, caawiyihii wadaha iyo qofka sadexaad oo ahaa nin waayeel ah. Sidoo kale waxaa rasaasta ku dhaawacmay 8-qof oo kale, kuwaas oo 6-kamid ahi ay haween yihiin.

Dadka dhaawaca ah oo ay qaarkood xaaladoodu aad halis u tahay, islamarkaana ay ku jiraan dad da' ah, waxaa goobta laga soo qaaday xilli danbe oo xalay ahayd, waxaana intooda badan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Taliyaha saldhigga Booliska ee degmada Carmo Gaashaanle Yuusuf Axmed Ciise oo kamid ahaa dadkii ugu horeeyey ee goobtaas gaarey ayaa warbaahinta uga warbixiyey sida ay wax u dheceen, wuxuuna sheegay in weerarkan ay soo qaadeen koox dhalinyaro ah oo ka yimid dhinaca tuulada Kalabayr, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuuna intaas ku daray in falkani uu xiriir la leeyahay colaad in muddo ah soo jiitameysey oo u dhexeysa labo beelood oo walaalo ah, kuwaas oo wada dega qaybo kamid ah gobollada Bari iyo Karkaar. Colaaddan oo marar badan la xalliyey ayaa dib mar kale usoo cusboonaatay asbuucan horraantiisii.

Falkan ayaa ahaa mid si aad ah looga argagaxay, mana jiraan ilaa iyo hadda mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari oo arrintan ka hadlay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya