4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2013
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo xalay xaflad soo dhaweyn ah u Sameeyay Wafdi Xildhibaanno ah (SAWIRRO)


Jimco, July 12, 2013 (HOL) — Jaaliyadda Soomnaaliyeed ee ku nool xarunta labaad ee dalka Britain ee Birmingham ayaa xaflad soo dhaweyn ah xalay u sameeyay wafdi xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo socdaal shaqo ku jooga Britain.

Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa hadallo ka jeediyay xubnihii soo abaabulay kuwaawsoo sheegay in farxad weyn ay u tahay inay soo dhaweeyaan wafdigan ka socda baarlamaanka.

Kulankan soo dhaweynta ah ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Soomaali kale oo ka timid magaalooyin kale, waxaana halkaas warbixnno ku saabsan xaaladda dalka iyo isbedellada dhacay looga dhageystay xildhibaannadii uu horkacayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Baarlamaanka Soomaaliya xilligan wuxuu ku shaqeeyaan si ka duwan sidii ay ku shaqeyn jireen baarlamaannadii hore ee KMG ahaa, waxaana howlaha aan kala tashanaa shacabka Soomaaliyeed oo ay quseyso,” ayuu yiri Cawad oo ka hadlay kulanka, isagoo ku dheeraadaaday habka uu baarlamaanku u shaqeeyo xilligan.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenku wuxuu ka warbixiyay horumarka uu ku tallaabsaday dalka tan iyo markii laga baxay xiligii KMG ahaa, isagoo xusay in dowladda hadda jirta ay guulo badan gaartay ayna rajeynayaan in dalka uu u soo ceshto kaalintii uu kaga jiray caalamka 22-sano ka hor.

Ugu dambeyn, Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku boorriyay jaalliyadda inay ka qaybqaataan hormarka dalka ka socda iyo soo celinta dowladnimadii hore ee Soomaaliya, isagoo xasuusiyay jaaliyadda inay waajib tahay in qof kasta uu ka qaybqaato horumarka dalka.

Caawa ayaa lagu wadaa in guddoomiye xigeenka baarlamaanka iyo wafdiga uu horkacayo ay la kulmaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London ee xarunta dalka Britian, iyagoo u faahfaahin doona howlaha dowaldda iyo kuwa baarlamaanka.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya