4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2013
Saldhigyo Booliis oo laga Hir-geliyay Qaar ka mid ah Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada oo todobaadyadii aynu soo dhaafnayba siweyn ugu howlanaa dib u habeynta ciidamada iyo sugida amniga  ayaa saldhigyo dheeraad ah oo ay ka howlgali doonaan ciidamada booliiska ka hergaliyay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Baladweyne.

Saraakiisha ciidamada booliiska oo HOL la hadllay ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay arintan tahay xaqiijinta amniga guud ahaan magaalada Baladweyne si markaa shacabka ku dhaqan uga wada faa'ideystaan adeega ciidamada booliiska oo baahi weyn loo qabo marka la eego sugida nabad-galyada.

“Sida aad ka warqabtaan magaalada waa ay balaaratay, sidaa daraadeed waxaan u aragnay in aan lagu wada tiirsanaa karin saldhiga dhexe ee magaalada, waxaan isla garanay in la balaariyo saldhigyada ay ka howlgalaan ciidamada booliiska,'' ayuu yiri taliyaha saldhiga booliiska maamulka gobolka Hiiraan Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay jiraan boqolaal ka tirsan ciidamada booliiska maamulka gobolka Hiiraan oo tababar loo soo xiray, islamarkaana bartay si gaar ah sugida nabad-galyada iyo ka hortaga iyo daba-galka fal danbiyeedka, kuwaasoo si joogta uga howlgali doona dhamaan xaafaddaha magaalada.

Howlgalka ciidamada booliiska ayaa durbaba laga dareemay xaafaddaha magaalada, waxaana xiliyada habeenkii la arkaa iyaga oo gaaf-wareegaya goobaha dadku ku badan yahay, is goosyada iyo jidadka muhiimka ah ee xaafadaha magaalada Baladweyne.

Dhinaca kale, dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa sanadkan bisha Radamaan u arka mid ka duwan sanadkii hore marka laga hadllayo dhinaca amniga, waxaana si caadi ah xiliyada habeenkii u shaqeynaya goobaha ganacsiga, gaar ahaan goobaha laga cuteeyo.

C/raxamaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya