4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2013
Maxkamadda Magaalada Gabiley oo Xukunno kala duwan ku ridday dad lagu eedeeyey inay dadka ka Tahriibiyaan Somaliland

Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Maxkamadda degmada Gabiley, ayaa xukun ku riday 15 qof oo ku eedeysnaa ka ganacsiga Tahriibinta dadka. kiiskan oo muddo laba bilood ah dacwadooddu ka socotay maxkamadda Gabiley, ayaa 15 qof oo afar ka mid ahi iyagoo maqan la xukumay, halka 11 kii kalana xukuno kala duwan lagu riday.

15 qof ayaa lagu helay dambiga ah inay dadka tahriibiyaan, isla markana ay kaalmo siiyaan dhalinyaradda tahriibiya, kuwaas oo ay tusaan dariiqyada la marayo kana shaqaystaan tahriibinta dadka.

Mid  ka mid ah Garsoorayaashii xukumay oo magaciisa ka gaabsaday ayaa khadka Telefoonka ugu waramay HOL, ayaa noo xaqiijiyey inay 11 ka mid ah 15 la xukumay laga soo gudbiyey Wajaale, qaarkoodna Itoobiya soo qabteen, kuwaas oo loo soo gudbiyey Gabilay, waxaana afar ka mid ah oo ay kiiskani ku cadaaday lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah iyo milyan iyo laba boqol iyo lixdan kun oo shilling Somaliland ah.

Afartaasi la xukumay waxay magacyadooddu kala ahaayeen:

1. Xasan Carab Cubeed.

2.  Maxamed Cabdi Xirsi.

3. Cabdicasiis Aadan Ismaaciil.

4. Cabdi Suuudi Diiriye  Qase.

Waxaana afartan qof saddax ka mid ah lagu soo qabtay xadka Itoobiyo iyo Somaliland u dhexeeya iyagoo Bas Caasi oo number Itoobiyaan ku xidhan yahay ku qaaday 12 qof, waxaanay 11 habeenimo ay dhalinyaradaasi oo ay ku hayeen meel u dhexeeya Wajaale iyo kala-baydh ka soo qaadeen, waxaana lagu qabtay xadka labadda dal.

Lix ka mid ah 15 qofna Waxa lagu xukumay min lix bilood oo xadhig ah, waxaanay lagu helay dambiga ah inay dhalinyardda u fududeeyaan tahriibka, kuwaas oo qaarna saara baabuurta jaadka qaarkoodna lugaysiiya, waxaana qaarkood sanadkii hore loogu xukumay xadhig, haseyeeshee waxay maxkamaddu sheegay in aanay ka waantoobin walina ku jiraan fududeeynta tahriibka.

Sidoo kale, waxa lixdan qof lagu helay inay caruurta ka cabsiiyaan, isla markana ay caruurta ku qasbaan inay iyaga aaminaan si aanay cid kale gacanta ugu galin, taasina waxay keentay in dhalinyaradda tahriibaysaa ka tallo qaataan, isla markaana calaa qof ka qaataan saddex boqol oo bir.

Lixdan qof ee lixda bilood lagu xukumay waxay magacyadoodu kala yihiin:

1. Cabdi Daa’uud Sooyaal

2. Axmed Daahir muxumed NACNAC.

3. Iiid Muuse Aadan Qamdalas.

4. Maxamed Maxamuud Cabdilaahi Qaro.

5. Cabdirisaaq Cali Rooble baashaal.

6. Naasir Cabdilaahi Aaadan.

Waxa kale isna dambi lagu waayey nin taksiile ah oo ku jiray kooxdan la soo qabtay waxaana maxkamadu dib ugu celisay xoriyadiisa ka dib markii la waayey cid ku markhaati furta dambigan lagu helay.

Haseyeeshee laba qareen oo u doodayey kooxdan ayaa sheegay in ay racfaan ka qaateen xukunkan, waxaanay sheegeen in aanay jirin xeer lagu qaadi karo dadka tahriibayaasha ah  ama tahriibinaya sidaa darteed xukunka ay maxkamadu qaaday aanu sharci ahayn.

Haseyeeshee waxaanu arrintaasi wax ka waydiinay mid ka mid ah garsoorayaasha xukunkan xukumay waxaanu sheegay inay ku qaadeen xeerka socdaalka  3295 qodobkiisa 37aad oo odhanaya qof kasta oo gacan siiya qof ka baxaya dalka ama soo galaya waxa lagu ciqaabayaa 12 bilood oo xadhig ah iyo ganaax.

Haseyeeshee mar aanu waydiinay sababta labadda sanno loogu xukumay mar hadii xeerku sheegayo 12 bilood,  waxa uu garsooruhu ku dooday in afartan qof ee labada sano lagu xukumay lagu eedeeyey inay lacag badan ka qaateen dhalinyaro tahriibaysa, isla markaana aanay geyn meeshay ay doonayeen, ka dib markii meel banaan ah oo u dhow Wajaale war-wareerjiyeen ay u sheegeen inay joogaan meel u dhow jiga jiga, taasina ay been noqotay sidaa darteed ay dadkii lacagta ka qaateen meeshii ay rabana aanay geyn, taasina ay keentay inuu xukunku kaga cuslaado, isla markaana markahatiyo cadayn ku filan la helay.

Sidoo kale, xeer ilaalinta soo dacwaysay ayaa ku eedeysay kooxdan qodobka 457, qodobkaasi oo Ka hadlaya ka ganacsiga Adoonta, waxaaanay ku doodeen maadaama oo ay dadkani yihiin dad xoriyadii laga qaaday ay adoon u yihiin dadkan haysta, isla markaana ay dhacdo dad ka ganacsadda xubnaha bani’aadamka, wax  kale oo ay ku eedeysay xeer ilaalintu qodobka 466 oo odhanaya in aan qofna la hadidi Karin ama la cabsi galin karin, isla markaana aan xoriyadda laga qaadi Karin, haseyeeshee ay dadka dadka tahriibiyaa hadidaad ku sameeyaan oo ay xoriyadda ka qaadaan si amarkooda mooyee amar kale u qaadan dadka tahriibaya, kuwaas hadii xeerarkaasi lagu qaadi lahaa ilaa toban sano lagu xukumi lahaa, haseyeeshee maxkamaddu kumay qaadin xeerkaasi xeer ilaalintu ku oogtay, maadaama oo cadayn badan iyo markhaatiyo badan looga baahan yahay, waxaase maxkaamadu ku xukuntay xeerka socdaalka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland