4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2013
Dowladda Sierra Leone oo Bedeshay Taliyihii Ciidankooda ku sugan Somalia ee Qaybta ka ah Howlgalka AMISOM

Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Xukuumadda Sierra Leone oo ka mid ah dalalka ay ciidamada kaga sugan yihiin Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay bedeshay taliyihii ciidamadan ka tirsan howlagalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Jen. Maxamed Keita Mamadi ayay xukuumaddu sheegtay inuu ka shaqeyn doono gudaha dalkiisa, iyadoo xukuumaddu ay sheegtay in loo magacaabay agaasimaha cusub howlgallada iyo qorsheynta wasaaradda gaashaandhigga dalka Sierra Leone.

Ciidamada Sierra Leone ayaa waxay ka howlgalaan Koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Kismaayo oo dhawaan ay ka dhaceen dagaallo culus oo u dhexeeya rag isku haysta xilka madaxnimo ee maamulka Jubbaland.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay eedeyn u jeedisay ciidamada Kenya sidoo kalena ay dalbatay in laga bedelo qaybta ay joogaan, ayaanay haddana ka hadlin kaalinta ay ciidamada Sierra Loene kaga jiraan howlaha AMISOM ee gobolka Jubbada Hoose.

Jen. Mamadi Keita oo 49-jir ah ayaa wuxuu ku guuleystay shahaadooyin ka tarjumaya kaalintiisa howlgalka nabad ilaalinta iyo nabad dhalinta ah ee ay AMISOM ka hayso Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ku guuleysta billadda shaqo ee AMISOM ay bixiso, isagoo loo gartay taliyihii ugu wanaagsanaa ee howgalka intii u dhexesay 14-kii Oktoobar 2012 illaa 04-tii Jannaayo, 2013.

Taliska guud ee AMISOM ayaan ka hadlin bedelka taliyihii ciidamada Sierra Leone ee ku sugan Soomaaliya, sidoo kalena dowaldda Sierra Leone weli ma sheegin sarkaalka ay ku bedeshay Jen. Keita oo dib ugu laabtay dalkiisa.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya  oo tiradoodu ka badan tahay 17,500-askari ayaa waxay ka socdaan shan dal oo Afrikaan ah, kuwaasoo kala ah: Jabuuti, Uganda, Burundi, Kenya iyo Sierra Leone, waxaa sidoo kale ku sugan ciidammo booliis ah oo ka socda dalalka Uganda, Nigeria iyo Sierra Leone.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya