4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya oo ammaanay horumarka ay gaareen Maamullada Puntland iyo Somaliland (SAWIRRO)


Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 01-da Luuliyo oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Koonis Istaadiyum ee magaalada Muqdisho ayaa amaanay horumarka iyo nabadda ay ku taallabsadeen maamullada Somaliland iyo Puntland, isagoo sheegay in loo baahan yahay in looga daydo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in gobolladaas ay wax badan ka horreeyaan kuwa ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, isagoo xusay inay ku naaloonayeen iyo horumarro kale oo ay sameysteen intii uu dalku burburka ku jiray.

“Dalka qaybo badan oo ka mid ah xalaado kala duwan ayuu ku sugan yihiin, Somaliland iyo Puntland way dhaamaan gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, marka la fiiriyo xagga maamulka, amniga iyo deggenaashaha, waana ugu hambalyeynaynaa wanaagga ay bulshadooda u horseedeen. Dowladda Federaalka ahna waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo lagu horumariyo guulaha ay dadkaas gaareen,” ayu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay munaasabadda.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in wararka meelaha la marinayo ee ah in dowladdu ay siyaabo aan caddeyn wax u waddana waan beeninaynaa, waxaana diyaar u nahay inaan caawinno Soomaalida doonaysa inay horumar gaaraan oo dhan.

“Inteenna kale waan ku dayaynaa wanaagga ay gaareen maamullada ka jira waqooyi-bari ee Soomaaliya (Puntland) iyo Waqooyi-galbeed (Somaliland), baaqeenuna waa horay u sii wada horumarka - amniga aad haysataanna xajiya, adeegga umaddana loo qabanayana sii wada; aana kawada shaqeyno si loo helo Soomaaliya oo mid ah,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay halgankii loosoo maray sidii ay Soomaaliya xor ku noqon lahayd, isagoo sheegay dad badan ay dhiigooda u daadiyeen, haween badan ay dahabkoodii u gadeen, dad kale oo badanna ay xabsiyada u galeen, wanaaggaas inaan ilaalinno ayaana nalaga doonayaa.

“Magacii dowladnimadii iyo shafartii Soomaaliya inaan dib u soo celinno ayaa maanta u taagannahay qorraxda, halgalkii loo soo maray xorriyadda waan garanaynaa mana ahayn mid ku saleysan maslaxad gaar ah, balse waxay ahayd mid dhamaanteen faa’iido noogu jirtay, waana inaan ku dadaalnaa inaan dhowrno halgalkii ay abbayaasheen dadaalka u soo mareen,” ayuu mar kale ku yiri hadalkii uu halkaas ka jeediyay.

Boqolaal dadweyne ah oo isaga yimid magaalada Muqdisho ayaa xuskaas ka qaybgalay, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa, saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda, xildhibaanno iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo isaguna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in loo baahan yahay inaan macno-darro laga dhigin dadaalkii iyo dhiiggii loo daadiyay xorriyadda, loogana baahan qof walba oo Soomaali ah inuu qayb ka qaato sidii dalkan uu ku noqon lahaa mid daggan oo nabadi ay ka jirto.

Munaasabado kale oo lagu xusayay maalinta xorriyadda Soomaaliya ee 01-da Luuliyo ayaa maanta ka dhacay gobollada dalka qaarkood, sida gobollada Bay iyo Gedo, waxaana halkaas dadweynihii isugu soo ururay la hadlay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya